Saturday, May 16, 2015

Wiil Ku Eedaysan Qaraxyada Weerarkii Boston Marathon Oo Maxkamadi Ku Xukuntay In Irbad Sun ah Lagu Dilo

Boston:May,16,2015(SDN/QJ)-Dzhokhar Tsarnaev oo 21-jir ah, kuna eedaysnaa qaraxyadii Sanadkii 2013-kii lagu qaaday Tartankii Boston, ayaa Maxkamad Dalka Maraykanka ku taallaa Dil ku xukuntay.

tsrSaddex ruux ayaa ku dhimatay 260 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas ay maleegeen Dzhokhar Tsarnaev iyo walaalkiis, kuwaasoo ku sugnaa goobtii uu ka socday tartanka Orodka.

Dzhokhar Tsarnaev ayaa lagu dili doonaa Irbad sumeysan, waxaana racfaan qaadashadiisa ay qaadan doonaan muddo sanado ah.

Waxaa dib loogu celin doonaa Xabsiga, ilaa inta laga gaadhayo fulinta xukunka, waxaana dib loogu celiyay Xabsi federaal ah oo lagu magacaabo Terre Haute oo ku taala Gobolka Indiana.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment