Saturday, August 8, 2015

“Anaga Iyo Madaxwaynuhu Isma Afgaranayno, Go’aankayaga Mudo Kordhintu Waa Bisha 3 2017, Cidii Dood Ka Qabtaana Maxkamada Dastuuriga Ha U Gudbiso”Guddoomiye Ku Xigeenka Guurtida

Hargeysa 8 August 2015(Himilo)Golaha guurtida Somaliland ayaa ku gacan saydhay dalab uga yimid madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa in dib loogu noqdo mudo kordhinta ay u sameeyeen xukuumada iyo golaha wakiilada.
Madaxwaynaha ayaa habeen hore kulan la yeeshay golaha guurtida si uu ugu qanciyo in ay ka tanaasulaan mudo kordhinta ay u sameeyeen golaha wakiilada iyo xukuumada oo dalka ka dhalisay khilaaf siyaasadeed.
Kulankan uu madaxwayne Siilaanyo la yeeshay odayaasha guurtida ayaa kusoo dhamaaday is afgaranwaa,iyadoo golaha guurtidu madaxwayne Siilaanyo ka diiday in dib loogu noqdo mudo kordhinta ay sameeyeen.
Guddoomiye Ku Xigeenka golaha guurtida ahna ku simaha guddoomiyaha ayaa saaka ka khudbadeeyay kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha guurtida isla markaana kusoo hadal qaaday kulanka dhexmaray madaxwayne Siilaanyo iyo odayaasha guurtida.
“Madaxwaynuhu waa noo yeedhay waxaa uu noo soo jeediyay abiil (Apeal)in dib loogu noqdo mudo kordhintii xukuumada iyo golaha wakiilada oo dib loogu noqdo heshiiskii ay wada galeen axsaabta iyo xukuumada”Ayuu Yidhi Siciid Jaamac Cali.
Guddomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi “Anagu waxaanu kordhinay ilaa April 2017ka iyaguna waxay ku heshiiyeen in doorashadu ay dhacdo December 2016ka markaa labadaasi wax isku imanaya maaha,Dastuurku waxaa uu sharci u siiyay mudo kordhinta golaha guurtida markaa heshiiskan ay gaadheen wax sharciya maaha.”
Guddomiyuhu waxaa uu sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxwayne Siilaanyo ay isafgaranwaayeen “Anagu arinkaa iskuma afgaranayno, mawqifka golahayaguna waa in doorashadu dhacdo April 2017ka,maslaxada iyo sharciga, waxaa la raacayaa sharciga markaa in xisbiyada iyo xukuumada raacaan sharciga oo ay iskaga taagaan heshiiskan aan sharciga ahayn,.”Ayuu Yidhi Siciid Jaamac Cali.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtidu waxaa uu ku dooday in hadii madaxwaynuhu dood ka qabo mudo kordhinta guurtida, uu sharci u leeyahay in maxkamada dastuuriga u gudbiyo si dib loogu eego dabadeedna go’aanka la iskaga tago.
Golaha guurtida Somaliland ayaa ku adkaysanaya mudo kordhinta ay u sameeyeen xukuumada iyo golaha wakiilada.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment