Monday, August 17, 2015

DAAWO: Wasiirka Caafimaadka Oo La Hadlay Dadweynaha Buuhoodle, Farriin Adagna U Diray Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle (Himilo)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Buuhoodle, isla markaana dadweynaha ku dhaqan kala hadlay meel fagaare ah isagoo farriin hanjabaad iyo iyo digniin ah u diray Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Buuhoodle oo socdaal rasmi ahi uga bilaabmay maanta oo axad ah.

dadweyne faro badan oo isugu jira qaybaha bulshada iyo maamulka gobolka iyo degmada  ayaa weftiga wasiirka kaga hor yimid deegaanka kalshaale oo 35 Km dhanka W/Galbeed ka xigta Magaalada Buuhoodle.

Intaa ka dibna Wasiirka caafimaadka iyo weftigiisa waxaa loo gelbiyey gudaha Magaalada iyagoo ku soo wareegay waddooyinka dhaadheer ee magaaladaasi, ka dibna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.

Dr Saleebaan Ciise waxa uu xasuusiyey dadweynaha deegaankaasi in qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid lama taabtaan ah, cid kasta oo oo isku dayda inay waxyeelaysana tallaabo laga qaadi doono, waxaana uu amar ku bixiyey in sida ugu degdega badan ay kooxda nabad diidka ee Cali Khaliif ay uga baxaan Magaalada Buuhoodle. halka sido kalena wasiirku ugu bushaareeyey dadweynaha Buuhoodle mashaariic horumarineed oo Xukuumada Somaliland ka hirgelinayso Gobolkaasi.

HALKAN KA DAAWO



Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment