Saturday, August 1, 2015

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Baaq Nabadeed u diray Beelo ku diriray deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool

Laascaanood, 01 July, 2015 (Himilo)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa baaq u diray Beelo walaalo ah oo toddobaadkii hore Shaqaaqo ku dhex-martay deegaanka Dharkayn-geeyo, kuwaasoo uu sheegay inay Madaxda Dhaqanka gobolku ka hawlgeli doonto dejinta iyo nabadaynta labadaas Beelood.
Garaad Jaamac oo maalmihii u dambaysay socdaallo nabadeed ku marayey deegaanno badan oo kala duwan oo Sool ka tirsan, waxa uu Jimcihii shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas, waxaanu sheegay in deegaannada uu maray dadka ku dhaqan kala hadlay, kuna wacyigelinayey muhiimadda ay nabadgelyadu leedahay.
“Socdaalkaygu waxa uu ahaa mid dadka aannu ku wacyigelinayno qiimaha ay nabaddu leedahay iyo hawshii dhawaan ka dhacday Guumays oo ay beeshu nabad ka qaadatay, markaa waxaannu soo marnay deegaannadii Beesha oo dhan, magaalooyin, tuulooyin iyo ceelal-ba. Annagoo dadka la shirnay kalana hadalnay nabadda, dadkuna aad iyo aad bay noo soo dhaweeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Jaamac.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Shacabku nabadgelyadooda ilaashadaan, waxaanu baaq kooban u diray beelaha colaaddu ku dhex-martay Dharkayn-geenyo, waxaanu yidhi; “Hawsha ka dhacday Dharkeyn-geenyo waxaannu leenahay colaadda halla joojiyo, beeshuna iyadoo mugle ayey ka qayb-geli doontaa dejinta iyo nabadaynta.”

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment