Tuesday, August 4, 2015

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadlay Midowga Yurub Oo Xidhaya Xafiiskii Hargeysa.

“Shacbiga Reer Somaliland Waxaanu leenahay Waakaa Inoo Bilaabmay Khasaarihii Guurtidu……Wakaa Xafiiskii Inoogu Gacanta Waynaa La Xidhay”Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa August 4, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay warar sheegaya in midowga yurub xafiiskii ay somaliand ku lahaayeen la xidhayo.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa Bixitaan Midowga yurub ee somaliland sabab uga dhigay mudo kordhinta golaha guurtida somaliland isagoo ku dooday in ay ka baxeen heshiiskii axsaabta iyo xukuumadu wada saxeexdeen.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay “Shacbiga somaliland waxaan u sheegayaa khasaarihii ugu horeeyay ee mudo kordhinta golaha guurtidu iyo go’aankii komishanka heshiiskii axsaabta iyo wadankii oo ay laashay khasaaraheedii wakaa maanta inoo bilaabmay, waakaas xafiiskii inoogu gacanta waynaa ee midowga yurub la xidhay”Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe
Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi raaciyay “Xafiiska midowga yurub waakii inoogu dada waynaa,biyaha maynu cabneen kuwo imika socdaa ma jireen, anigu 2010kii markii doorashadu dhacday waxaan la daba socday in xafiiska ay balaadhinayaan, maanta halkay ka balaadhin lahaayeena nasiib daro waa la xidhayaa”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha xisbiga Ucid.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu sharci daro ku tilmaamay xilka afhayeenka golaha guurtida oo uu sheegay inaanu jirin afhayeen u hadla guurtida iyo wakiiladaba isla markaana afhayeenku waxa uu doono iskaga hadlo.
“Guurtidu go’aamo ayay leedahay laakiin afhayeen male, Baarlamaanka afhayeenkiisu waa guddoomiyaha,yaa yidhi waxaa la doortay afhayeen maalin walba ku hadlaya wixii caqligiisa kusoo dhaca ee aan go’aan guurti iyo mid guddomiyana aan ku hadlayn, ee makrafoonka sita ee wixii uu doono ku hadlaya,dalkii wuxuu noqday fowdo, Waxaanu leenahay dadkan madaxwaynaha beenta u sheegaya ka daayay”Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe
Ururka midowga yurub ayaa la sheegayaa inuu shaqo dhimis wayn kasameeyo dalka isagoo ururkani ahaa ururka ugu horeeya ee somaliland ka caawiya arimaha doorashooyinka iyo adeega aasaasiga ah.
Xukuumada ayaan iyadu wali ka hadal bixitaan midowga yurub ee kusoo beegmaya wakhti ilaa imika aan la cayimin qabsoomida doorashada.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment