- BARKHADAHA INTERNET-KA
Runtii waa mindi laba afle bal aynu eegno tusaale ka mida tusaalayaasha dadka hanka sare lihi sida ay uga dhiishaa dhaansadaan dagaalada shabakadaha internet-ka, arrimo nacfi u leh waxayna ka dhigteen Aaladan mid ay ku horumariyaan Diintooda, Naftooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba. Waxaanay ka dhigeen shaqaale u adeega iyagoo dhanka kalena ku difaacay arrimaas aan soo sheegnay loolan adagna ka galay difaacida arrimaha biyo kama dhibcaanka ah sida Diinteena iyo Dalkeena, si kasta ha ahaatee dadka mindida dhanka fiican u qabsaday waxyaabaha ay ka faa’iideen waxa ka mid ah arrimahan soo socda.
- In Diinta Islaamka dadka loogu yeedho si xikmad iyo waano wacan leh
- In laga faa’iidaysto daraasadaha aqoonta ah ee la diyaariyay.
- Faafinta qoonta faa’iidada leh iyo dhaqan suuban.
- Barashada aqoonta Adduunka iyadoo waddooyinka horumarka iyo badhaadhaha lagu gaadhay lasoo dheeganayo.
- Ogaanshaha warbixinaha ugu dambeeyay iyadoo macluumaadka, tirokoobyada caalamiga ah ee kala duwan.
- Lasocodka xaalada iyo nolosha Dunida gaar ahaan kuwa muslimka ah.
- Lasocodka dhacdooyinka aqooneed iyo muxaadaraadka heer caalami iyo mid gudaha ahba kala socoshadooda shabakadan dhexdeeda.
- Ka difaacida Islaamka tashwiiska kuwa liita.
- Ka digtoonaanta dhibka dhaladka loo nisbeeyo Diinta islaamka.
- Si fudud ula xidhiidhida culimada iyo dadka aqoonta ku dheer si aad u biirsato, una toosisato wixii kaa qaldan ama shaki kaa galo.
- BALAAYOOYINKA KU DUUGAN
Dhinaca qaldan cidda mindidan u qabsataa waxay la darsaan duruufo saamayn toosa iyo mid dadban ku leh qaab nololeedkooda. Waxayna si hoose u guraan ama u xadaan maanka iyo damiirka una jiheeyaan jihooyin cusub oo qaloocan waxaana ka mida kuwan soo socda iyo kuwa kale.
- Waqti lumis badan, wakhtiguna waa adiga waayo maalmo ayaad ka kooban tahay.
- Barasho asxaab aan la mahadin.
- Abuurid ama beerid mabaadii iyo shaki galin.
- Faafin gaalnimo iyo Alle diidnimo.
- Ku dhicid ka qayb qaadasho afkaarta Nasaarada.
- Burburinta adaabta iyo akhlaaqda iyo baahin xumaan iyo wax liita.
- Kudasho indho la’aana reer galbeedka iyo jacayl u qaadid waddamadooda.
- Fudaydsasho Salaada iyo daciifnimo dadaal hooseeya.
- Barashadda waddooyinka xagjirnmada kasoo horjeeda islaamka dhexdhexaadka ah iyo wax kharbudaad.
- Ku qarqoomida xaaladaha jinsiga iyo lumitaanka
- Badasashada damiinimada iyo caajisnimada
- Hoos u dhaca heerka aqoonta qofka.
- Dabagalka arrimaha dadka kale.
- Iyo burburka qoysaska.
Walaalka qaaliga ahaw miyay inoo haboon tahay in nimcooyinka Allaah aan u adeegsano macaasi. Miyay habboon tahay in Aaladan inteeda xun aan ku koobnaano, iyadoo qayrkeen ay u adeegsanayaan wax kastoo horumarin nafeed iyo mid daleedba iyagoo dhuranaya aqoonta ku aasan.
Allaah aan ka cabsano dhamaanteen naftaadana weydii su’aalahan
- Maxaad u diyaarsatay lakulanka Rabbigaa.
- Waa maxay sahaydeeynu iyo saadka aakhiro waddadu way dheer tahaye.
Dadku ma waxay horumarsanayaan wanaagyo iyo camalo fiican adiguna ma waxaad iska sii horraysiisay Heeso, Filimo, daalacashada sawiro aan asturnayn shabakadahan dhexdooda. Balse halkeen kaga suganahay hadalkii Allaah Subxaanah Watacaallaa Sareeye wanaagsanaaye (WAAR KUWII IIMAANKA LAGA HELAYAW UGA DIGA NAFTIINA IYO EHELKIINA NAAR XAABO LOOGA DHIGI DOONO DAD IYO DHAGAXAAN.) Aayada lixaad ee Taxriim.
Waxaan Allaah inoo waydiinayaa in uu inagu sugo diinta iyo waafajinta waddadiisa toosan. Naxariis iyo Amaanina ha ahaato Rasuulkeenii dushiisa iyo ehelkiisa iyo saxaabadiisii iyo inta rumaysay.
Waxa qoray :إعداد / عبد العزيز بن محمد الطريف
Hal tebintii iyo kaabistii, Xigasho Saaid.net
Ahmed Ali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment