“C.I.D-du way baadhay, tallaabay ka qaadday, Jeeggina isagoo nabad-qaba ayuu Xafiiska yaallaa, waanu baxayaa wakhtigiisii loogu talo-galay, waxaana qaadanaya ciddii Qandaraaskaa marka horeba qaadatay ee lahayd...” Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin
Berbera, 16 August 2015 (Himilo)- Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay fadeexad tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore ka taagnayd magaaladaas oo dul-hoganaysay Maamulka dawladda hoose ee Berbera iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Guddoomiye u ah Guddiga daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Fadeexaddan oo Musuqmaasuq iyo Laaluush lala xidhiidhiyey, ayaa la ogaaday, ka dib markii uu dibedda u soo baxay, isla markaana kashifmay Jeeg ay ku qornayd Lacag dhan saddex boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland oo la sheegay inay horumarin u ahayd Lacag laba boqol iyo Siddeetan Kun oo Doollar ah oo loogu yeedhay Mashruuc lagu dhiraynayo magaalada Berbera oo Xildhibaankaas Qandaraas lagu siiyey.
Jeeggan dibedda u soo baxay, ayaa sababay in la xidho Ganacsade Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo Jeegag u ulahaa si qalad ah u raacay, markii uu arkay inaanu lahayna dib ugu celiyey Waaxda Xisaabaadka dawladda Hoose ee Berbera. Sidoo kale, waxay tani keentay in Maayer Cidin xilka ka qaado Xisaabiyihii dawladda Hoose ee Berbera Cabdikhaaliq Awal-Bari. Hase-yeeshee, Maayerku waxa uu ku dooday in tallaabooyinka uu qaaday yihiin kuwo sharci ah iyo gudashada waajibaadka shaqo ee saaran, isla markaana waxa uu shegay in Jeeggaas dawladda Hoose hadda yaallo, bixina doono xilliga loogu talo-galay, qaadanna doonto cidda ku qornayd ee lahayd sida uu hadalka u dhigay, ciddaas oo ah Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, inkastoo aanu Maayerku magiciisa xusin.
Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay Xafiiskiisa kula hadlay Saxaafadda oo arrimahan wax ka weydiisay. Waxaanu Maayer Cidin oo ka hadlaya sida uu ku yimi Mashruuca dhiraynta magaalada Berbera, yidhi; “Madaxweynuhu Mashaariicdii uu dhagax-dhigayey ee faraha badnayd ee ummaddaba hortooda aannu ka sheegaynay waxa ka mid ahaa Mashruuca dhiraynta, Magaalada Dhirtan ku taalla waxa la beeray intii ka horreysay shan iyo labaatankan sannadood, si markaa magaalada cimiladeeda uu ay wax uga qabto in Dhir fara badan lagu dhireeyo ayuu ka mid ahaa sidaannu u doorannay Mashruucan.”
“Halkani waa Hay’ad dawladeed, qaabka loo maamulaana waa maamulka hay’adaha dawladda lagu maamulo. Jeeggaa baxay si kastaba ha u baxo, bixitaanka uu ka baxay Xafiiskaa gebigiisu qalad ah. Ma noqonayso Taleefan inta lagula hadlo in la yidhaahdo Lambarkii aad qaadatay keen, waa khalad iyo fal-dambiyeed dhacay, waxaana loo isticmaalayaa Hay’ad dawladeed.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin.
Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) waxa uu sheegay in Jeeggaas fashilmay baxayo, ciddii lahaydna qaadanayso, waxaanu yidhi; “Hay’adaha Qaranka shaqada waa la kala leeyahay, annagu toos waxaannu ula xidhiidhnay dembigii dhacay inay C.I.D-du baadho, way baadhay, tallaabay ka qaadday, Jeeggina isagoo nabad-qaba ayuu Xafiiska iska yaallaa, waanu baxayaa wakhtigiisii loogu talo-galay, waxaana qaadanaya ciddii Qandaraaskaa marka horeba qaadatay ee lahayd baa qaadanaysa.”
Duqa Berbera oo su’aal laga weydiiyey nidaamka Qandaraaskaas Dhiraynta loo bixiyey iyo hab laaluush ah loo siiyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, waxa uu ku jawaabay; “Ninkaa Xildhibaanka ah anigu ma aqaanni, taleefankiisa ma aqaanni, isagana ma aqaanni, wax xidhiidh ah oo naga dhexeeyaana haba-yaraatee ma jiro. Qandaraaska cidda la siiyey wuxu ka mid yahay Muwaaddiniinta Mashaariicda kale ee faraha badan ee Miisaaniyaddayada ku jira la siiyey ayuun buu ka mid yahay, anigu ma ihi ninkii maanta Laaluush bixin lahaa.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment