Saturday, August 1, 2015
Madal loogu magac-daray ‘Midaynta Dhalinyarada Somaliland’ oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay
Hargeysa, 01 August, 2015 (Himilo)- Madal loogu magac-daray ‘Madasha Mideynta Dhalinyarada Somaliland’ oo ay aasaaseen Dhalinyaro Aqoonyahanno ah, ayaa shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Ujeeddada loo aasaasay Madashan ayaa lagu sheegay inay tahay mid dhalinyarada loogu gurmanayo dhalinyarada Somaliland isla markaana lagaga badbaadinayo aafooyinnka tahriibta, balwadaha iyo sidoo kale sidoo looga hortagi lahaa in awooddooda dahsoon looga faa’iidaysto xaalad amni darro keeni karta.
Guddoomiyaha Madashan oo lagu magacaabano Ismaaciil Khaliif Aadan oo isaga oo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee madashani shir jara’aid ku qabteen magaalada Hargeysa shalay, ayaa in shirar ay qabsadeen dhalinyaro isaga kala timi gobollada kala duwan oo dalka ah lagu gorfeeyey xaaladda dhaqaale, amni , siyaasadeed iyo waxbarasho ee dhalinta waddanku ku suganyihiin, kulankaasina ay ka soo baxday inay ku dhawaaqaan madashan.
Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in dhowaan ay qabsanayaan shir ay ka soo qayb-galayaan ergo tiradoodu gaadhayso 500 oo metalaya dhalinyarada gobollada dalka, isla markaana lagu gorfeyn doono xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaanna dhalinyarada dalka.
Xubno kale oo ku hadlaya afka hoggaanka sare ee Madasha Dhalinyarada, ayaa sheegay inay dhowaan safar aqoon korodhsi ah ugu bixi doonaan dowlad deegaaneedka Soomaalida Ethiopia oo ay ku sheegeen inay hoggaamiyaan dhalin aqoon maamul iyo mid siyaasadeedba laga soo korodhsan karo.
Si kastaba ha ahaatee, ururkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa lagaga dhawaaqo dalka, marka laga yimaaddo inuu jiro Dalad ay ku midaysan yihiin ururrada dhalinyarada heer Qaran ee SONYO oo awood ahaan sharci u leh inay metalaan danaha iyo baahiyaha dhalinyarada dalka.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment