Tuesday, August 4, 2015
Nuxurka Qodobbo lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Xukuumadda iyo Wefti Qaramada Midoobay ka socda
Hargeysa, 04 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga Wakiilka ah Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ah Isuduwaha Gargaarka bani’aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta, oo shalay dalka soo gaadhay.
Danjire Peter de Clercq oo socdaalkiisu noqonayo kii u horeyseeyey ee uu Somaliland ku yimaaddo tan iyo markii uu Xoghayaha Guud shaqadaas u magacaabay badhtamihii sannadkan, waxa uu madaxweynaha kala hadlay barnaamijyada hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland, dhinacyada Ammaanka iyo horumarinta, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka kaddib shir-jaraa’id si wada-jir ah u wada-qabteen Danjire Peter de Clercq.
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay inay kala hadleen arrimaha Ammaanka iyo inaanay dhibaatooyinka ammaan-darro ee ka jira Soomaaliya saamayn ku yeelan hawl-gallada hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay Qaraxyo horaantii sannadkan magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland lagula bartilmaameedsaday Shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay oo dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhay.
“Waxaanu aad uga hadalnay inaanay dhibaatadii ka dhacday Garoowe aanay saamayn nabadgelyada halkan (Somaliland) taala, in hay’adaha Qaramada Midoobay si xor ah u socdaan oo aanay ka wer-werin nabadgelyo xumaan, waayo masuuliyadda ugu weyn ee nabadgelyada shaqaalaha UN-ku wuxuu saaran yahay xukuumadda Somaliland, xil gaar ah ayaan na saaran. Waxa kale oo aanu kala hadalnay Abaaraha iyo sidii aanu wax uga wada-qaban lahayn immikana ay noo soo diraan (Wefti) oo iyaga iyo annagu aan qiimayn ku samayno dhibaatada ay abaaruhu u geysteen waddanka, si dhakhso lehna laynoogu soo gurmado,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, isagoo intaas ku daray inay ka wada-hadleen muranka siyaasadeed ee dhinaca doorashooyinka iyo heshiisii dhexmaray Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda.
Dhinaca kale, ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa arrimaha ay ka wada-hadleen dowladda Somaliland ka soo qaatay qodobbo khuseeya arrimaah Gar-gaarka Qaxootiga ka soo cararay dagaallada Yemen ee dalka ku sugan, waxaanu yidhi, “Sharaf bay ii tahay inaan arko horumarka laga sameeyey xidhiidhka u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland, waanu ognahay inay jiraan caqabado badna oo inaaga horreeya, balse waxa naga go’an inaanu si wada-jir ah u waajahno caqadahaas oo ay hore uga sii soconno horumarka iyo nabadda Somaliland.”
Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa jira mashaariic aanu ka wadno meelaha miyiga iyo arrinta ugu weyn ee immika taagan oo ah wada-shaqaynta aynu ka leenahay Qaxootiga ka imanaya dalka Yemen oo kala ah Qaxooti Yemeniyiin ah, Qaxooti u dhashay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobollada kale ama xataa Qaxootiga Somaliland u dhashay ee markii hore ka tagay Somaliland, immikana soo laabtay muddo dheer kaddib. Arrimahanna waxaanu kala shaqaynaynaa dowladda si xal loogu helo dadka Qaxootiga ah.”
Mr Peter de Clercq oo u dhashay waddanka Holland, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay booskan u magacaabay bishii June ee sannadkan, ayaa hore u ahaan jiray ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan waddanka Haiti, isagoo xilkaas soo hayey ilaa bishii August ee sannadkii 2013-kii.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment