Thursday, August 6, 2015

Shaqaale laga Caydhiyey D/Hoose oo Maxkamadda iyo W/Shaqada ka Ashkateeyey Maayar CIDDIN iyo Doodda Maayarka Berbera

Berbera, 06 August, 2015 (Himilo)- Shaqaale ka tirsan Dowladda Hoose ee magaalada Berbera oo dhawaan uu shaqada ka joojiyey Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin, ayaa sheegay inay dacwad ay ku raadinayaan xuquuqdii ay leeyihiin ka furteen Maxkamadda degmada Berbera, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay  cabashadooda u gudbiyeennada go’aan ka soo saartay.

shaqaaalahaQaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Berbera Caydisay oo shalay warfidiyeennada kula hadlayey magaaladaas, ayaa sheegay in maayar Cabdishakuur Ciddin ku gacan saydhay go’aan Dowladda ku gacan-saydhy qoraal Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqadu kaga hadashay cabasho la xidhiidha xuquuqda ay dowladda hoose ku leeyihiin, balse maayarku ku gacan-saydhay markii ay u keeneen qoraalka Wasaaradda.

“Anigoo ah afhayeenka 140 shaqaalaha ah ee dhowaan sida sharci-darrada ah lagaga eryey shaqada dowladda hoose, waxaan halkan ku soo bandhigayaa sharcigii ay soo saartay Wasaaradda Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo ka hadlaya xuquuqdii Shaqaalaha. Markii aanu Maayarka u keennay Sharciga, wuxuu yidhi meeshan anigaa xukuma, dowlad dhexe ima xukunto,”Sidaa waxa Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha la caydiyey oo warbaabinta kula hadlay magaalada Berbera.

Waxa kale oo uu sheegay inay dacawd uga gudbiyeen Maxkamadda Degmada Berbera, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo jira qoraal maxkamaddu qortay, ilaa immikana dacwaddu way taallaa maxkamadda. Waxaan ku baaqaynaa in lanoo soo kala gaadho oo wax laga qbto arrintayada.”

MaayarDhinaca kale, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo arrintan wax laga weydiiyey faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in shaqada la caydhiyo, waxaanu yidhi, “Dowladda Hoose waa haya’d nidaamkeeda maamul si madax-bannaan u shaqeeyo, Dowladda Dhexe-na waxay wada-shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Qofka Shaqaalaha ahi marka uu shaqadiisa gef iyo meel-ka-dhac ku sameeyo oo gudan kari waayo waajibaadkiisa shaqo, waa laga eryayaa shaqada. Kuwa cabanaya waxa ku jira Aabahay walaalkii Run ah, waa waalidkey, haddaana cid jeclaysanayo waan la hadhi lahaa, markaa dadkaaas laguma tacaddiyin ee waajibaadkooda ayaa la mariyey.”

Maayarka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Horena waan u sheegay, waa saddex qaybood; waa nin ku takri-falay hantidii uu dadka u hayey, oo dadka dhacay oo dadka laaluush ka qaatay, ayaa ka mid ah. waxa kale oo ka mid ah ninka lagu kari waayey inuu soo shaqo tago iyo mid laba kaadh leh oo meelo kala duwan ka shaqeeya oo aanu nidaamkeenuna dhigayn inuu laba meelood wax ka qaato.”

Maayar Cabdishakuur Ciddin waxa uu ku dooday inaanu jirin Xuquuq ay leeyihiiin Shaqaalaha Dowladaha Hoose oo uu ku tilmaamay inay yihiin shaqaale u shaqeeya hadba cidda gacanta ku haysa maamulka gobolaha Deegaanka, balse waxa uu iftiimiyey inay dowlad hoose ahaan ku hawlan yihiin qorshe lagu qiimeynayo, lagulana xisaabtamo Shaqaalaha ka hawl-gala Dowladda Hoose ee Berbera.

“Hay’adda shaqaalaha iyo wasaaradda shaqadu wax shaqo ah kuma laha dowladda Hoose, meelna kama soo gasho, shaqaaalaha dowladda Hoose-na la mid ahaa shaqaalaha kale ee dowladda, oo maamulada dowladaha Hoose soo mara iyagaa qorta ama erya shaqaaalaha, markaa ma jirto meel shaqaale dowladda hoose ah xuquuq lagu siiyey, waayo Xuquuqda waxa la siiyaa qof heshiis lala galay oo saacadaha shaqadiisu cayiman yihiin, kuwanina intay subaxdii yimaaddaan ayay iska tagaan. Laakiin, immika waxa la wadaa in la qiimeeyo oo derejooyin loo sameeyo shaqaalaha oo lala xisaabtamo.” Sidaas ayuu yidhi Maayarka Degmada Berbera

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment