Saturday, August 8, 2015

Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlay dilalka dalka ku sii badanaya, dawladdana ugu baaqay fulinta Qisaasta

 

Hargeysa, 08 August, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay fuliso Xukunnada dilalka ah ee ku dhacay dadka dilalka badheedhka ah geystay ee Qoysaska dadka laga laayey dalbadeen in loo qisaaso. Waxaanu si adag uga hadlay korodhka dilalka Somaliland ku soo batay bilhii u dambeeyey.
Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad Salaaddii Jimce ee shalay ka jeediyey Masaajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay dhibaatada dilalka dalka ku soo batay leeyahay iyo sida ay Diinta Islaamku u xaaraantinnimaysay daadinta dhiigga qof Muslim ah, una dhawrtay noloshiisa iyo hantidiisa-ba iyo sida ay dadku u sahashanayaan ee aan waxba looga qabanayn.
“Sidaynu ognahay dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey dil badan baa ka dhacay Somaliland gudeheeda, Bari iyo Galbeed-ba, marka la xisaabiyo qiyaasta sannadkiina waxay noqonaysaa dilkii ugu badnaa ee Somaliland ka dhacay, waxaana ugu dambeeyey dilkii laba cisho ka hor ka dhacay Makhaayadda Inanta (Duleedka Galbeed ee Hargeysa).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro)
Sheekh Aadan-Siiro oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Dalka haddii laga hortagi waayo Bulshada ama Wadaad ha noqdo ama Caaqil ha noqdo ama Waranle ha noqdo ama nin Aqoon leh ha noqdo ee qof walba halkiisa ayuu ku soo gaadhi doonaa haddaan laga hortagin dilka sabab la’aanta ah. Dawladda waxaannu ugu baaqaynaa inay fuliso boqollaalka Jeelasha buux-dhaafiyey ee dilalka ku xukuman, dadkaas qisaasta u xidhan ee dadkoodu dalbadeen in loo dilo oo aanay Mag qaadanayn halla fuliyo ayaannu leenahay dawladda.”
Waxa uu Sheekh Aadan, sheegay inaan la tixgelin Gaalada iyo Hay’adaha reer Galbeedka ee Lacagta ku bixiya inaan qofna qof loo dilin oo aan qisaasta cidna lagu qaadin, ee iyadoo lagu dhaqmayo Shareecada Diinta Islaamka ee la fuliyo Qisaasta iyo in qof kasta oo qof dila loo dilo, si xal Diinta Islaamka waafaqsan loogu helo yaraynta dilalka Shacabka iyo Askarta ee dalka ku sii badana sida uu hadalka u dhigay Sheekh Aadan.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment