- Soo ururintii qaadhaanka iyo xoolaha ay ku dagaalami jirtay jabhadii SNM
- Soo ururinta rag lagu daro ciidanka SNM oo dagaalama.
- Dhexdhexaadinta siyaasiyiinta SNM iyo saraakiisha ciidamada markuu muran ka dhex dhasho.
Markii ay jabhadii SNM dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed Siyaad Bare hawsha golaha guurtidu wuxuu ku koobnaa arrimaha SNM oo keliya, balse markii dalka laga xoreeyay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee M.S.Bare ayay waajibaadkoodii sii laba jibaarmay. Golaha Guurtidu waxay iska xakamayn jireen inay laaluush qaataan, halku-dhigooduna wuxuu ahaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd” Nin soori kaa qaaday, waa nin seefi kaa qaaday”.
Shirkii Burco ee 27/3/1991
Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, xaafada shacabka ee Burco, Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii S.N.M waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii S.N.M Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii somaliland ee taliskii max’ed siyaad hubka isugu dhiibay. Halkan waxaynu isagu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (somaliland) isku turxaan bixiyaan.
Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Burco ayuu golihii dhexe ee S.N.M ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax banaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horraysay ee somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii S.N.M oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin maygaag samatar oo guddoomiyaha ahaa isugu yeedhay dhawr jeer.
Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.
Shir-weynihii Boorama ee 1993-kii
Shirkii ka dhacay Boorama horraantii sannadkii 1993-kii ee lagu soo dhisay dawladdii Maxamed X. Cigaal(AUN) ayay guurtidu kaalin libaax ka qaadatay. Waxay muujiyeen adkaysi iyo dhabar adayg intii lagu jiray shirarkii nabadaynta ee kala duwanaa.
Saamiyadii Beelaha ee Ergooyinkii shirka Boorama
Saamiyada shirka ka qaybgalaayey ee ka kala yimid dhammaan beelaha Somaliland waxay kala ahaayeen: Garxajis 18 xubnood, Awal 18 Xubnood, Arab 13 Xubnood, Gadabuursi 21 Xubnood, Ciise 11 Xubnood Dhulbahante 22 Xubnood, Warsangeli 10 Xubnood, Habar Jeclo 18 Xubnood, Ayuub 6 Xubnood, Toljecle 6 Xubnood, Cimraan 6 Xubnood iyo Sanbuur 6 Xubnood.
Abaabulkii shirkii Boorama waxa tunka u ritay golaha guurtida, waxay weftiyo iyo kulano ku kala bixiyeen dhammaan beelaha Somaliland si ay u soo dirsadaan ergooyin shirka ka qaybgalaya. Shirkaasi waxa ka soo baxay dawlad leh laba qaab-dhismeed oo la is-waafajiyay, oo kala ahaa:
- Qaabka dhaqanka reer Somaliland wax u dhistaan (African Traditional System).
- Qaabka reer Galbeedku wax u dhistaan (Westeran Style System).
Axdi qarameedkii lagu dejiyey shirkaasi, waxa ku caddayd hanaan beelaha Somaliland ku qanacsan yihiin oo waddani ah, taaso loo marayo in shir-beeleedyo lagu sar-goynayo dhammaan saami-qaybsiga beelaha. Markii dawladdii Maxamed X. Cigaal xukunka la wareegtay Golaha guurtidu wuxuu kaalin libaax ka qaateen hub-ka-dhigistii Maleeshiyaadka SNM ee dhibta weyn ku hayay shacabka Somaliland.
Qodobbadii Shirkaasi ka soo Baxay
Dhawr qodob oo guul weyn ahaa ayaa ka soo baxay, waxayna kala ahaayeen sidan
- Dawladdii lagu soo dhisay ee uu Hogaaminaayey Maxamed X. Cigaal
- Axdi qarameed dalka lagu maamuli lahaa oo ka koobnaa 30 qodob
- Golaha guurtida oo laga dhigay 75 xubnood
- Golaha wakiilada oo laga dhigay 75 xubnood
- Nabadayntii beelaha galbeedka dalka oo halkaasi lagu soo gunaanaday.
Shirweynihii ee Hargaysa 1997-kii
Shirkani wuxuu ka furmay Hargaysa bishii Novembar ee sannadkii 1996-kii gaar ahaan Hoolka Guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaalada Hargaysa. Shirka waxa guddoominaayey Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo golaha guurtida lagu soo daray iyo Suldaan C/raxmaan Sh. Muxumed. Dhinacooda dambana waxa soo fadhiyey madax-dhaqameedkii beelaha Somaliland,Qaar ka mid amma intoodii badnayd. Waxa ka dhex muuqday Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaaciil Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Shirka waxa ka soo qaybgalay 316 ergay iyo 100 xubnood oo goobjoogayaal ah. Beel kastaa waxa loo libinlaabay saamigii ay ku lahaayeen shirkii Boorama iyo 16 xubnood oo la siiyey carabtii iyo Gabooyaha.
Qodobbadii Shirkaasi ka soo Baxay
- Doorashadii M.I. Cigaal oo mar labaad noqday M/weynaha iyo Daahir Riyaale Kaahin oo noqday M/weyne ku xigeen.
- Colaadihii ka dhashay dagaalkii sokeeye oo la soo af-jaray
- M/weynaha muddadiisa in laga dhigay shan sanno, halka ay markii hore ka ahayd saddex sanno.
- Hub ka dhigistii oo ku dhawayd gabagabo
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland.
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Meerisyada Taariikhda(2014)………….Cali Dool Axmed (Qoryoolay)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment