Monday, August 3, 2015

Sideed Ku Noqon Kartaa Siyaasi Guuleysta

Waan idin Salaamay Dhamaantiinba Akhristow Meel kasta oo aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Ka hor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arrintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha wayntii soomaaliyeed dhamaantood ay uwada huleeleen dhankaa iyo siyaasada, iyada oo ay yar tahay kaddib marka uu qofku siyaasada ku biiro inta ku guuleysta ama siyaasadoodu ay noqoto mid dhaxalgal ah oo dadka danbe ee siyaasiyiinta ah ka faa’iideysato, sidaas darteed waxaan jecleystay in aad ila waddaagtaan 10 tallaabo oo aan is idhi haddii uu qofka raba in uu Siyaasi Guuleysta noqdo uu ku dhaqmo gaadhi doono ujeedadiisa  ama Hadafkiisa Siyaasaeed, xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

 

  1. Marka Hore Ogow Cidda aad u shaqaynaysid, u shaqee Bulshadda, Naftaada Ha u shaqeyn.

  2. Ku Bilow tan yar, adigoo marka hore kasoo bilaabaya siyaasada xaga hoose sida sarkaal Degmo, Agaasime, Gole deegaan, Haddii aad tahay arday School Dhigtana Ku bilow “Kaabo Class” , isku day in aad markasta La hadashid Cidda kula Faca Dhamaantood waxaad ka helaysaa Waxa loo yaqaan Khibrad.

  3. Mar kasta isku day in aad tijaabisid xirfadaada Dad la hadalka, ama (Public speak skills) waxa loo yaqaano, adigoo marka aad la hadlaysid Bulshada soo qaadanaya Dhacdooyin Xaqiiqa, iskuna dayaya in aad markasta la hadashid dadka aad maalin kasta la kulmaysid, sida Dadka aad meelaha lagu nasto ama wax laga cuno kula kulantid, si aad uga dhaadhicisid Fikirkaaga ama siyaasadaada.

  4. Mar kasta isku day in aad Xidhiidh La samaysid Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan, khaas ahaan kuwa kula meesha ah ee aad isleedahay tartankaaga Siyaasadeed ayay kuu fududeenayaan.

  5. Lasoco Mar kasta Dhacdadda Taagan, ama waxa loo yaqaano (Current Event) Hadday tahay mida (Gudaha, Dibadda, iyo dhanka Siyaasadaba), Markasta isku day si aad bulshada ugu soo gudbiso dhacdada Dhabta ah ee ka Taagan Hadba meeshaad Dan u aragtid, si Hadalkaagu u noqdo mid La fisho Marka ay Dhacdo Dhacdo.

  6. Mar kasta wax ka Baro wixii Tagay, hadday tahay dhanka Taariikhda, dhanka siyaasada, dhanka Hogaamiyaashii hore, haddii ay tahay Wanaag iyo haddii ay tahayba Khaladaad si aad Tan Fiican uga Qaadatid. (Learn From Past)

  7. Noqo Mid u go’ay waxa uu rabo in u dhamaystiro ama gaadho, waayo haddii aadan ahayn mid ku tijaabiya Dadaalkiisa Ujeedadiisa waxaad noqonaysaa Siyaasi Fashilma, iskuna Day in aad markasta Codbixiyaasha usoo jiidid Hadafkaaga Siyaasadeed.

  8. Kasbo Mar kasta Xirfad Cusub, ka qaybgal Munaasabaadka iyo Shirarka Siyaasadeed Si aad u horremarisid Diplomasiyadaada Siyaasadeed, Kana Baro Xirfad cusub Wada Hadaladaas.

  9. Wax Ka Baro Kuwii Hore ee guuleystay, akhri Buugta ay Qoreen siyaasiyiintii kaa horreeysay, iyo Saraakiishii sar sare ee Guulaha Gaadhay, si ay kuu siiyaan ama aad uga heshid Fikrad Cusub o aad ku dabaqdid Siyaasadaada si aad  u guuleysato sidoodoo kale.

  10. Ka qayb qaado Loolanada siyaasadeed ee iska soo dabadhacaya, Maxaa yeelay waxaad naftaada ku Carinaysaa in ay meel ka tagto si geesinimo leh, waayo Markasta oo aad naftaada Carisid waa markastoo aad wax Ka baratid dhanka siyaasada ama Hadalka


Haddaba Akhristoow Haddii aad Tahay qof xiiseeya Siyaasada, waxa hubaal ah in aad gashay Mihnada ugu Dhibka iyo cadawga, saaxiibtinimada badan mihnadaha laga shaqaysto.

 

Gabagabadii maqaalkayga oo noqon doona mid taxana aanan uga hadli doono insha allaah nolosha qeybaheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa haddaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Alle.

 

Waad Mahadsantihiin

Eng: Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com         Tell: 063-4331708 / 065-9309754             

Burao Somaliland

Facebook User: https://www.facebook.com/MrBura0

Facebook Page: https://www.facebook.com/MrBurao

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment