Sunday, August 2, 2015

Suldaanka Beelaha Subeer Awal Oo Dhaliilo Isbarkan Ujeediyay Madaxwayne Siilaanyo Xukuumadana Ku Eedeeyay In Ay Faro Baasku Hayso Madax Dhaqameedka.

Axmedoow Kusoo Noqo Waayeelnimo oo Maanta Taariikhdaada ha Xumayn, ma Soconayso Midi Midi ku Taag Digreeto ku Ansixi Guurtida u Dir”Suldaan Xasan.

Hargeysa August 2, 2015(Himilo)-Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan ayaa xukuumada ku dhaliilay faragalinta ay ku hayso madaxda dhaqan iyo culimada Somaliland.
Suldaan Xasan waxaa uu sheegay in xukuumadihii hore ay tixgalin jireen Oday dhaqameed balse xukuumada uu hogaamiye Madaxwayne Siilaanyo ay baabiinayso meelkasta oo ay umadani ka dhaqaaqayso isagoo xukuumadihii hore ku amaanay sida ay ula dhaqmi jireen Odayaasha dhaqanka.
Suldaanku waxaa kale oo uu dhaliilo Culculus usoo jeediyay golaha guurtida isla markaana waxaa uu ku sifeeyay in ay masuul ka yihiin Qalalaasaha Siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Suldaan Xasan oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay “Soomaalidu saddex qodob ayaanay taataaban oo birma gaydo ah Culimada,odayaasha dhaqanka Iyo Dumarka oo la lskugu soo noqdo markay dhibaato timaado,Arintan aan maanta halkan u fadhinaa waxay waafaqsan tahay faro galin farabadan oo xukuumada madaxwayne Siilaanyo ku hayso odayaasha dhaqanka”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan.
Suldaanku waxaa uu sheegay in xukuumadihii hore la shaqeyn jireen madaxdhaqameedka “Xukuumadihii hore way soo dhaweyn jireen oo talo ayay ka waydiin jireen tu qaran iyo mid qabiilba,laakiin xukuumadan maanta ee Axmed Siilaanyo waxaad moodaa inay usoo tafaxaydatay Meel walba oo umadan ka dhaqaaqaysa ay baabiiso,”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan.
Suldaan Xasan Waxaa uu eedo usoo jeediyay Golayaasha Qaran ka “golayaashii qaranka waxaa aad maanta arkaysaa in ay ka fayow yihiin sadex nin oo kaliya,inta kale waad arkaysaan waxaa haysta iyo siday farta iskaga taagayaan,waxaad arkaysaa warbaahintii oo cagajuglayn lagu hayo Iyo beeshan habar magaado ee aynu maanta halkan kaga hadlayno”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan.
Suldaanku waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumadu salaadiintii baabiinayso “Waxaad arkaysaa in xukuumadani salaadiintii baabiinayso oo ay Tvyada ka hadla tidhaahdo oo ay taageero odhanayso,Suldaan waxba ma taageero ee wuu taliyaa”Ayuu Yidhi Suldaanku
Suldaan Xasan waxaa uu ka dayriyay xaalada haayadaha Dawlada “waad arkaysaan maanta Halka uu dalkeenu marayo ma jiro Haayad inoo fayoobi, waxaa la arkayaa guurtidii loogu talagalay in khilaafka ay xaliyaan in ay maanta khilaafka ugu wayn iyagu hurinayaan, waa dawlada bukootay,waad arkaysaan sida salaadiinta loo bahdilay,Laakiin waxaa jira salaadiin ka fayow xanuunka ay dawladani qaybinayso.”
Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yidhi “Khilaafka aanu sida fiinta uga sii qaylyaynay waakaa ilaa maanta taagan wax laga qabtayna ma jirto waxaanu ku talinaynaa maadaama aanay jirin cid dalka u maqani madaxwaynuhu isagaa masuuliyada lehe inuu doorashada qabto”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan
Suldaanku waxaa uu madaxwaynaha usoo jeediyay inuu fuliyo heshiisyada uu la galo axsaabta “Waxaanu ku talinaynaa heshiiskii Axsaabta iyo daneeyayashu kuwada saxeexdeen qasriga madaxtooyada in la dabaqaa”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan
Suldaanku waxaa uu sheegay inaanay jirin duruufaha ay guurtidu ku kordhinayso “Maanta ma jiraan Duufaano ma jiraan abaaro oo ilaahay ha inaga hayo, kuwii ku ducaysanlahaa ma nihin ee kuwii ka ducaysan lahaa ayayni nahay, waar qodobadaas kusoo noqda, ninkii doonaya inuu dalku khilaafkaa iyo hadalkaa kusii jiraa nin habeen jiray maaha, ninkii doonaya inuu dalku hagaagsanaadowna heshiiskaas hala waafaqo,Waxaa loo baahanyahay in wixii dadka khilaafka ka ilaalinaya la raaco oo heshiiskaa dib loogu soo noqdo, Oo shacbiga laga daayo buuqa, oo laga daayo walbaahaarka Iyo Qaylada”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan
Suldaanku waxaa u fariin u diray madaxwayne Siilaanyo “Axmedoow kusoo noqo waayeelnimo oo maanta taariikhdaada ha xumayn, ma soconayso midi midi ku taag digreeto ku ansixi guurtida u dir,madaxwayne Kastaa isagaa guurtida waraabin jiray ma waraabinkarayo cidna kaa dhageysanmayso, kusoo noqo cahdigii qarankani kusocday oo wada tashiya kusoo noqo caqdigii qaranka oo isu tanaasul ah waa inaad ga’aan qaadasho yeelataa, Gacana waxaan ku haysanayaa heshiiskii axsaabta midna waxaan ku haysanaayaa mudo kordhintii guurtida labadaasi waa isku dab iyo dhagax ee kala dhawr.”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan
Suldaanka Beelaha Habar Awal waxaa uu sheegay in wadooyinka iyo mashaariicda madaxwaynuhu dhagaxdhigayo lagu samaynayo nususaacihii caruurta isagoo carabka ku adkeeyay in la fuliyo heshiiskii axsaabta iyo xukuumada.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment