Washington, 06 August, 2015 (Himilo)- “Maadama, sumcad-xumo ka taagan tahay Soomaaliya iyo caasimadeeda Muqdisho, saraakiisha laanta Socdaalka Somaliland waxay u muuqdeen qaar ku dedaalaya inay ii muujiyaan dalxiise ahaan, inaan amaan ahay.” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin la isku bar bar-dhigay horumarka iyo nidaamka ganacsiga xorta ah ee Somaliland iyo Itoobiya.
Warbixin Mr. Jose Mora, oo ah weriye ka tirsan wargeyska Stratfor oo arrimaha amaanka caalamka wax ka qora ku soo martay wadamada Itoobiya iyo Somaliland diyaarisay ayey ku sheegtay inaanu indhaheedu qaban haweenay xidhan surwaal jeans ah ama jidhkeeda muujisay wax ka badan wejigeeda, waxaanay ku bilowday:“Waxaan socdaalkayga ka soo bilaabay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, laakiin, waxaan amaan dareemay markaan soo gaadhay kantaroolka ciidanka laanta Socdaalka Somaliland ee Wajaale, oo aan la joojin balse intay noo fiiseeyeen baasabooradii, noo raadiyey tagaasi aanu u raacno ilaa Hargeysa.
Maadama, sumcad-xumo ka taagan tahay Soomaaliya iyo caasimadeeda Muqdisho, saraakiisha laanta Socdaalka Somaliland waxay u muuqdeen qaar ku dedaalaya inay ii muujiyaan dalxiise ahaan, inaan amaan ahay.
Magaalada Hargeysa markaan soo gaadhnay muuqaalkeeda, waan la yaabay sidii caasimadii Itoobiya aan ka imi ahayd guud ahaan. Itoobiya waxay ahay horumar xaga sare ilaa hoos u socda ayaa sharci ahaa, wadooyinkana gawaadhi noocyadii hore ayaa buuxay, Hargeysa, dhinaca kale, hrumar kobcaya ayaa ka muuqda, gawaadhi cusub oo shirkada dalka Japan ayaa buuxa, waxa sidoo kale tiradoodu badnayd jaamacadaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta ku yaala, halka guud ahaan Itoobiya ku taal shirkad keliya oo xukuumadu leedahay, taasoo la yaab ku noqonaysa marka la eego aqoonsi la’aanta Somaliland.
Balse dabeecadaha furfurnaanta Hargeysa, waxa culays ku keenaya ku dhegenaata diinta, oo saacadaha qaarkood wadooyinka ay buuxinayaan hablo xijaaban oo iskuulada u socda. Guud ahaan intaan joogay indhahaygu ma qaban haweenay aan asturnayn. Ma jirin mid keliya oo surwaal Jeans xidhnayd, ama muujinaysay jidhkooda in ka badan wejigooda.
Magaalada Berbera oo u muuqata fursada labaad ee dalka Itoobiya kaga bixi karo deked la’aanta, ayaad ku arkaysaa maraakiib sida konteenarada oo ku soo xidhanaya dekeda, soona jiidatay baddan ciidanka ilaalilada xeebaha Somaliland ka sifeeyeen budhcad-badeedka, balse inkastoo taasi jirto ayey haddana magaaladu ka hurudaa fursada dekedda.
Somaliland waa la xanibay horumarka warshadaha dalalka jaarkoodu ku naaloodaan, inakstoo caqliyan tahay inaad caawiso macaamiishaada, taasi waxay gayeysiisay in Somaliland dhexda u xidhato hiigsiga qorshaheeda, waddo dheer, balse aakhirka la mahadin doono dedaalkaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment