Saturday, August 15, 2015
“Waxani nabadgelyada ayay dhaawacaysaa, umaddana kala shaki ayay ku abuuraysaa”
Hargeysa, 15 August, 2015 (Himilo)- Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa walaac xooggan ka muujiyey saamaynta ay ammaanka dalka iyo kalsoonida is-dhexgalka bulshada ku yeelan karto fulin la’aanta xukunnada qiysaasta ah iyo sidoo kale dilalka ciidamada ammaanku u geystaan dadka shacabka ah.
Jamaal Cali Xuseen oo daba-socday Wiil dhalinyaro ah oo dhaawacyo culus oo Askari u geystay Wiil dhalinyaro ah oo gacanta ugu jiray ciidamada Booliska, gaar ahaan saldhigga Ibraahim Kood-buur ee Hargeysa, waxa uu walaac ka muujiyey natiijada ka dhalan karta dilalka noocan ah ee ciidamada ammaanku u geystaan dadka shacabka ah.
“Haddii dadku arkaan dadkii dilalka gaystay oo aan la dilin ama loo aarrin, qof waliba sharciga gacantiisa ayuu ku qaadanayaa. Immika weynu ognahay siday xukumaddu u damba-bastay dilalkii magaalada Hargeysa ka dhacay, Inankii yaraa ee 11 jirka ahaa ee Mujaahid Axmed Jabbaan dhalay ee boolisku xabbadda madaxa kaga dhuftay ilaa hadda lama hayo ciddii gacan ku dhiig laha ahayd iyo ciddii amarka bixisay waa la damba-basay,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u warramayey shalay telefishanka Star.
Jamaal oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Maantana waa taas la leeyahay qof gacanta ciidanka ammaanka ku jiray ayaa la dilay, waxaa loo baahan yahay in arrimahan xukumaddu go’aan adag ka soo saarto. Waxani nabad galyada ayay dhaawacaysaa umaddana kala shaki ayay ku abuuraysaa.”
“Maaha in Kiisna dadka loo dilo mid kalena, la damba-baso.waa in dadka sharcigu u wada sinnaado oo xukunkaasi u wada socdo oo qofkii qof dila waa in loo dilaa. Dilkii si kama’a ku yimaada waa laga wada xaajoon laakiin, dilka badheedhka ah wixii shareecada iyo sharciga Somaliland ka qabo waa in lagu fuliyaa,” Sidaas ayuu yidhi Murashax Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment