Hargeysa August 1, 2015(Himilo)-Xildhibaano ka tirsan aqalka baarlamaanka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in gargaar degdega lala gaadho dadka ku dhaqan gobolada Awdal Iyo Salal oo abaaro baahsani saameeyeen.
Xildhibaanadani waxaa ay baaq udireen xukuumada,Ganacsatada iyo haayadaha samafalka iyaga oo sheegay in abaaraha ka dhacay gobolada galbeed aanay hore uga dhici dalka,Xildhibaanadu waxaa kale oo ay sheegeen in xoolihii ku madheen abaarahan isla markaana waxay ka dayriyeen xaalada ay dadku ku noolyihiin oo ay sheegeen in ay aad u liidato.
Xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac Gaagaale oo ka warbixiyay xaalada abaareed ee ka taagan gobolada Awdal iYo Salal ayaa sheegay “Abaar xunbaa ka dhacday,abaar aan waligeed ka dhicinbaa ka dhacday, wax gurmada oo wali dadkaa la gaadhsiiyayna wali ma jirto, waxaanu codsanaynaa in dawladu samayso gurmad degdega, baayacmushtariga lacagta haystaan waa dadkoodii kuwa bakhtiyayaa ee degdega ha ugu gurmadaan, Qurba jooguna dadkooda hasoo caawiyaan”Ayuu Yidhi Xildhibaan Gaagaale.
Sidoo kale waxaa isna abaarahan ka hadlay xildhibaan Axmed Daahir Muxumed Jirde “Xili abaareed xun baa jira dawladuna may caawin,Dadkiina haraad qudha ayaa laayay biyo iskadaa duunyoo, Waxaanu leenahay dawladu gurmad ha samayso”Ayuu Yidhi Xildhibaanku.
Geesta kale xoghayaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumada ugu baaqay in si degdega ay ugu gurmato dad ay abaartu saamaysay “Xiligani waa wakhtigii roobabka xooga badani di’i Jireen, waxay keentay in duunyadii oo markii horeba xooluhu ku yaraayeen dhinaca galbeedka aanay imikana reerkii labada neef lahaa ay kici waayeen, xaalaadka degdega ah ayay xildhibaanadu ka qabteen shirka,ilaahay ayaa inaga soo furan waana in gargaar la gaadhsiiyaa”Ayuu Yidhi Xoghayaha Guurtidu.
Xildhibaanada shirkan jaraaid qabtay ayaa si isku mida baaq ugu diray xukuumada iyo ganacsatada Somaliland iyagoo sheegay in gobolada galbeed looga baahanyahay xaalada gargaar oo degdega.
Gobalada Galbeedka Somaliland ayaa bilihii u danbeeyay laga dayrinaya xaalado abaareed oo ka dhacay gobolada awdal iyo Salal oo roob la’aan baahsani ka jirtay sanadkan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment