Wednesday, August 5, 2015

Xisbiyada Mucaaradka ah oo Sababeeyey Go’aanka Midowga Yurub u xidhayo Xafiiskooda Somaliland iyo Doodda Xukuumadda

 

“Waxaad mooddaa Xukuumadda Somaliland xilkii ummadda ka saarnaa inay gabtay, waxay ku mashquushay inay WADDANI dadka ka saarto...” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

“Arrintani waa ta u horreysa, tallaabooyin badan oo kale oo ay qaadayaan Beesha caalamkuna way jiraan. Ummadda reer Somaliland waxaan u sheegayaa tani waxa weeye khasaarihii u horreeyey ee Guurtidu inna gaadhsiisay…” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 05 August, 2015 (Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil kala duwan ka bixiyey sababta Midawga Yurub u xidhayaan ama derajadiisii iyo shaqadiisii hoos ugu dhigayaan Xafiiskoodii Somaliland ee magaalada Hargeysa ay ku lahaayeen, waxaanay ku kala doodeen inay sababta la xidhiidho arrimo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Waxay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, sheegeen in sababta Midawga Yurub Xafiiskoodii Somaliland hoos ugu dhigayaan la xidhiidho ama ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan, laalitaankii Golaha Guurtidu laalay heshiiskii Xisbiyada, Guddiga doorashooyinka iyo beesha caalamku isla meel-dhigeen ee ahaa in doorashada la qabto badhtamaha sannadka soo socda, muddo-kordhinta aan la isku waafaqsanayn iyo sidoo kale meel-marin la’aanta heshiiska ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen.
Waxaanay intaas ku dareen in tallaabadani muujinayso kalsooni-darro ay Beesha caalamku ka qaadday la shaqaynta Xukuumadda wakhtigan haysa iyo sida ay u soo xidh-xidhmayso siyaasadda xidhiidhka caalamka iyo Somaliland ka dhexeeyey. Balse, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi, ayaa isagu qaddiyad taas ka duwan ku dooday, balse xaqiijiyey hoos-u-dhigista derajadii Xafiiskaasi lahaa, isagoo xusay in sababta hoos loogu dhigayo derajada, shaqada iyo shaqaalaha Xafiiska Midawga Yurub ee Hargeysa tahay mid la xidhiidha arrimo dhaqaale.
Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlaya tallaabadan Midawga Yurub qaadayaa, waxa uu yidhi; “Waxaad mooddaa Xukuumadda Somaliland xilkii ummadda ka saarnaa inay gabtay, waxay ku mashquushay inay WADDANI dadka ka saarto, laakiin maanta waxaad arkaysaan in Beeshii caalamku ka baxayso waddanka, markaa indheheedii inay halkan u soo jeediso ayaa looga baahan yahay. Beesha caalamka macaammil baynu lahayn, Xafiiskan (Midawga Yurub) waxa Somaliland laga furay sida la ii sheegay 1995-kii, xaaladda Somaliland wakhtigaas waad garanaysaan nabadgelyadeeda iyo siday ahayd, Berbera ayaa laga furay, dagaallo sokeeye ayaa jiray, nabadgelyo-darro iyo wadda-xumo ayaa jiray, waxaas oo dhami iyagoo jira ayey Midawga Yurub goosteen inay Somaliland Xafiiskan ka furan.”
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay inay tallaabadani bilaw tahay, balse go’aanno kalena la filayo, waxaanu yidhi; “Maanta oo ay ammaan tahay 100% (boqolkiiba boqol), waxaan isleeyahay waxa keenay uun macaammil-xumada iyo diblamaasiga Xukuumadda Somaliland ee maanta. Tani waa bilaw, waxa laga yaabaa Xafiisyo kalena inay ku xigaan, waxaanay taasi hoos u dhigi kartaa qiimihii ay Somaliland caalamka ku lahayd. Xafiisyada macaamilkoodu way kala duduwan yihiin, Wakiillay ka bilaabmaan, Qunsuliyad baa jirta, Safaarad baa jirta, immika kani waxa uu ahaa Wakiil, waxaannu doonaynay inuu Xafiisku dallaco oo uu Safaarad noqdo, laakiin immika waa la xidhay Xafiiskii, waxa lagayaabaa sida wararku u badan yihiin qof iyo laba in laga reebo oo Xafiis kale oo aan ahayn weliba mid siyaasadeed la geeyo.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay waxa soo dedejiyey go’aankan Midawga Yurub, waxa uu yahay, waxaanu yidhi; “Arrintaasi way jirtaa, waa la inna siiyey digniinta iyo warbixinta in Xafiiska dawn grade (hoos u dhig) lagu samaynayo oo la yaraynayo, waxaanay arrintu daba socotaa waa murankan siyaasadeed, doorashadan la laalay iyo heshiiskii la sameeyey ee la hirgelin waayey, arrintani waa ta u horreysa, tallaabooyin badan oo kale oo ay qaadayaan Beesha caalamkuna way jiraan. Ummadda reer Somaliland waxaan u sheegayaa tani waxa weeye khasaarihii u horreeyey ee Guurtidu inna gaadhsiisay, markii ay laashay go’aankii Komishanka doorashooyinka oo aanay xaq u lahayn, ay laashay heshiiskii Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Saddexda Xisbi saxeexeen.”
Waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in Midawga Yurub ahaa cidda ugu wax-qabadka badan Somaliland tan iyo maalintii dib loogu soo noqday dalka, isla markaana gacan wayn oo caawimo oo dhinacyada horumarka, dhismaha siyaasadda iyo dhaqaalahaba uu wax badan kala qabtay Somaliland, balse ay tallaabadani waxaas oo dhan dhaawacayso, isagoo xusay inuu marar badan kala hadlay sidii derajada Xafiiskaas kor loogu qaadi lahaa Midawga Yurub.
Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ay Saxaafaddu isla shalay wax ka weydiisay arrintan isagoo ku sugan Xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu ku dooday oo yidhi; “Warka ku lugleh Xafiiska Midawga Yurub Hargeysa uga furan, sida aannu warka ku hayno Xafiisku muddo badan buu dalka ka jiray, waad la socotaan Somaliland iyo Midawga Yurub in cilaaqaad ballaadhani ka dhexeeyaan, waxa weeye Hay’adda ama Kooxda wax-tarka ugu badan innoo leh, mashaariic badan bay waddankeenna ka qabtaan, waa Koox aannu cilaaqaad fiican la leenahay lana shaqayno oo mashaariic badan dalka ka wada.”
“Waxa na soo gaadhay, waloow aan warqad rasmi ah ama qoraal gaar ahi nooga imannin. Hase-yeeshee, waxay ku talo-jiraan sidaannu maqalnay inay khafiifiyaan oo ay shaqaalaha dhimaan oo ay meel kale u guuraan si ay kharashkooda iyo lacagtooda u yareeyaan. Qaddiyadduna waxay ku saabsan tahay iyagoo xagga dhaqaalaha ku sababaynaya inay doonayaan in Xafiiskii hoos loo dhigo, weli si toosa wax noogumay soo qorin, wadahadallaa lala yeelan doonaa markay si toosa noogu soo qoraan, waxaanannu ku talo-jirnaa inaannu u bandhigno in loo baahan yahay in Xafiisku sidiisaa ahaado.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiir Biixi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in tallaabadan Midawga Yurub Xafiiskooda hoos ugu dhigayaan ama ku xidhayaan inay la xidhiidho muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan sida ay Xisbiyada Mucaaradka ahi sheegeen, waxa uu yidhi; “Cilaaqaadka Somaliland iyo Beesha caalamku aad iyo aad buu u fiican yahay, waad aragtaan oo waxa maalin walba dalka ku soo qulqulaya dad aad iyo aad u faro badan oo beesha caalamka ka socda oo xiisaynaya nabadda iyo xasilloonida Somaliland taalla. Dabcan Mucaaradku eedda xaq bay u leeyihiin inay siday u arkaan u fasirtaan. Hase-yeeshee, xaqiiqadu waxa weeye in maanta Midawga Yurub ay ku sababaynayaan kharash, kan oo keliyana aanay rabin inay xidhaan ama hoos u dhigaan ama khafiifiyaan ee ay doonayaan Xafiisyo fara badan oo ay caalamka ku leeyihiin inay kharash aawadii hoos ugu dhigaan.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment