Waxa dalka Somaliland oo dhan iyo dhammaan soomaalida inteeda kale ay dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin xoolaha nool oo la’aantood aanay soomaalidu waxba ahaateen haddaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa Waxa suuqyada magaalada hargaysa aad ku arkaysaa xoolo dariiqyada ama waddooyinka tuban kuwaas oo isugu jira riyo, ido, lo, iyo meelaha xaafadaha ah oo marmarka qaar ku arkaysid geel daaqaya ciinka iyo tiinka magaalada ku yaal.
haddaba marka laga reebo geela dhammaan inta kale oo dhan waxa ay tuban yihiin meeleha shaarica ah tusaale ahaan riyaha haddaad eegto waxa aad arkaysaa iyaga oo intooda badani ay waddooyinka garaabo loogu qubay cunaya ama biyaha uskaga ah ee waddooyinka hudheeladu ku qubaan cabaya kaddibna aad arkayso qaar badan oo ay baabuurtu kurta ka jareen ama ay jiidheen.
Mida kale waxa ay la qabsadeen baabuurta iyo dhammaan wixii guuxaya oo dhan halkii ay ka didi lahayeen balse waxaba ka sii daran dadka waddooyinka wax ugu qubaya kuwaas oo aan dareemayn dhibaatada xoolaha ka soo gaadhaysa.
Balse waxa kuwaasna kasii daran dadkii dhaqday iyagu xoolahan kuwaas oon dhammantood ka fikirin meesha ay xoolahani ay ku noolaan lahaayeen iyo wixii ay cuni lahaayeen toona.
gabagabadii waxaan u soo jeedin lahaa dhammaan dadka iyagu xoolahan leh iyo kuwa waddooyinka baabuurtu marayso wax ugu daadinaya inay xoolaha sidan ka daayaan oo ay u tudhaan.
W/Q.cabdiraxmaan rashiid axmed
Mob:063 4824138/0659529938
Email:cabdiraxmaan800@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment