
Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa sheegay in waddankiisu uu Mareykanka kala Shaqeyn doono sidii nabad looga soo dabbaali lahaa dalalka Bariga dhexe ku yaalla oo ay intooda badan ka socdaan Colaado Sokeeye.
Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama, ayaa dhankiisa sheegay inuu Boqorka kala shaqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin dagaallada ka socda dalalka Yemen, Suuriya iyo weliba Heshiiska dhawaan laga gaadhay Barnaamijka Nukliyeerka dalka Iiraan.
Sidoo kale, Barack Obama, ayaa ku cadaadiyay Boqor Salmaan inuu u ogolaado Hay’adaha Gargaarka in ay si aan Shuruud lahayn uga hawlgalaan dalka Yemen, halkaasoo Xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayaa kula dagaallamayaan Fallaagada Xuutiyiinta ee ka adkaaday Ciidammada dawladda Yemen.
Xidhiidhka u dhexeeya dawladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa la sheegay inuu xumaaday, ka dib markii uu Madaxweyne Obama ka gaabsaday duullaanka ka dhanka ah Xukuumadda Suuriya iyo weliba taageerada uu Mareykanku u fidiyay Heshiiska Nukliyeerka Iiraan oo uu Sacuudigu ka cabsi qabo inuu dalkaasi sameysashada Hubkaasi u fududaato.
Bishii May ee sannadkan 2015-ka, ayaanu Boqor Salmaan ka qaybgelin Shir-Madaxeed ay Madaxda Waddamada Khaliijku kula kulmeen Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama. Saraakiil sare oo ka tirsan Maamulka Obama, ayaa u sheegay Wargeyska New York Times in Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ay dhammeystireyso Heshiis dhanka Hubka ah oo ku kacaya Hal Bilyan oo Doollar, kaasoo Ciidanka Sacuudiga lagaga iibinayo Hub ay kula dagaallamaan Xuutiyiinta iyo Ururka isku Magacaabay Khilaafada Islaamka ah ee Daacish.
Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in Sacuudiga laga iibiyo Diyaaradaha dagaalka ee F-15-ka loo yaqaanno sida ay Saraakiishu sheegeen. Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadamaha, ayaa ku dhalliilay Obama taageerada uu u fidiyo duullaanka uu Sacuudigu hoggaaminayo ee ka socda gudaha waddanka Yemen, kaasoo ay xuseen inay ku dhinteen Boqollaal ruux oo shacab ah oo aan qayb ka ahayn dhinacyada dagaallamaya.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment