Wednesday, September 2, 2015

Ururka Secja Oo Dhagax-dhigay Taangi Biyood oo Waqaf u ah Marmuum Suxufi Maxamed-rashiid

Hargeysa, 02 September 2015 (Himilo)-Ururka Suxufiyiinta ee SECJA ayaa shalay Dhagax-dhigay Taangi Biyood oo ay ka hirgaliyeen goobtii uu gaadhigu kula qalibmay Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumad Faarax oo ahaa Xoghayihii Ururkii suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo horraantii sanadkii hore ku Geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleeedka galbeed ee Magaalada Berbera.
Ururka Suxufiyiinta ee Secja waxa uu Taangi-biyoodkan ka dhagax-dhigay isla goobtii uu Marxuumka gaadhigu kula dhacay, waxaana Taangigaas biyood loogu talo-galay in ay ka cabbaan dadka socotada ah ee u baahan si uu ajar uga helo Marxuumku. Dhagax-dhigga Taangiga-biyoodka Waqafka ah, waxa ka qaybgalay Maamulka degmada Berbera iyo Xildhibaannada Goloha Deegaanka Berbera qaarkood oo ballan-qaaday inay Biyaha ku shubi doonaan marka Ururku hirgaliyo Dhismaha Taangigaas ay u hibeeyeen Marxuum Maxamed-rashiid.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee Secja Yaasiin Jaamac Cali oo ka hadlay dhagax-dhigga Taangigaas Ururku u hibeeyey Suxufigii geeriyooday ee Marxuum Maxamed-rashiid, waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan ka dhagax-dhigaynaa haddii aannu nahay Ururka Secja Taangi-biyood oo aannu ugu talo-galnay Marxuum Maxamed-rashiid, si dadku uga cabbaan, maaddaama oo meeshu tahay Xeeb. Marxuumku waxa uu ahaa Nin Suxufiyiinta mid waliba halka uu joogo ku og una dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Weriyayaasha ALLAAH naxariistii Janno haka waraabiyo ayaan leeyahay.”

 
Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera Suhayb Maxamed Cali, ayaa u mahad-naqay Ururka Secja mar haddii ay garteen qofkoodii qiimaha lahaa inay xusaan si uu isna Ajar uga helo Taangi-biyoodkaas laga dhagax-dhigay goobta oomanaha ah oo ah isla goobtii uu Gaadhigu kula dhacay Allaah ha u naxariistee Suxufi Maxamed-rashiid.
Xildhibaan Iid oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha deEgaanka Berbera, isagoo ku hadlaya magaca Golaha deegaanka degmada Berbera, waxa uu ballan-qaaday inay Biyaha ku shubi doonaan Taangigaas marka dhismihiisa la dhammaystiro. Waxaanu xusay in uu ahaa Maxamed-rashiid shaqsi dadnimo wanaagsan aqoon fiicanna uu u lahaa Saxaafadda oo uu muddo ku dhex-jiray.
Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Secja Axmed Muuse (Sakaaro), ayaa isna tilmaamay Marxuun Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, inuu ahaa qof shaqsiyad fiican oo dedaal badan, waxaanu ALLAAH uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Mustafe Jaamac Cali Mataan oo ku hadlaayay magaca Eheladii Marxuunka, ayaa aad ugu mahadnaqay ururka Secja ee hirgalinaya taangigan xuska u ah marxuun Maxamed-rashiid. Maxamed Citiraaf iyo xubno kale ayaa iyana halkaasi ka sheegay inuu ka mid ahaa dadkii marxuunka markii uu gaadhigu la dhacay meesha yimi.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment