Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo):- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa bilaabay Baafinta Xildhibaanno Golahaas ka tirsan oo ka soo xaadiri waayey fadhiyadii u dambeeyey ee Guurtida, kuwaasoo Liiska Magacyadooda la shaaciyey, waxaanay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Guurtidu sidan oo kale u baafiso magacyada Mudanayaal ka maqnaaday fadhiyada Golahaas.
Fadhigii shalay ee Golaha Guurtidda oo wakhti loo xannibnaa Maqnaashaha Xildhibaannada qaarkood, ayaa keentay in uu fadhigu u furmi waayo Kooram la’aan ama uu gaadhi waayo tiradii uu ku furmi lahaa, ayaa Guddoomiyaha Golahaas Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas guddoominayey waxa uu digniin adag u jeediyay 15 Xildhibaan oo sabab la’aan kaga maqnaa fadhiga.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal digniin iyo canaan isugu jira u jeediyey Mudanayaasha ka soo xaadiri waayey fadhiga, waxa uu yidhi; “Maanta waynu ku qaylinaynaa oo ummaddaynu u sheegaynaa, in xilkii la gudan waayay. Wixii ka dambeeyana wixii sharcigu yahay baynu marinaynaa.” Intaas ka dib, waxaa Warbaahinta loo akhriyey, isla markaana loo qaybiyey Liiska Magacyada Mudanayaasha Goluhu baafinayo, kuwaasoo Liiska Magacyadoodu u dhignaa sidan hoos ku qoran:-
- Xildhibaan Cabdiwahaab Sh. Cali Jawhar
- Xildhibaan Daahir Cali Jaamac
- Xildhibaan Muuse Ciise Faarax
- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan.
- Xildhibaan Xasan Cumar Axmed
- Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aadan
- Xildhibaan Cali Siciid Cali
- Xildhibaan Cabdirxmaan Qawdhan Maxamed
- Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed
- Xildhibaan Mamduux Cismaan Sh. Xasan
- Xildhibaan Maxamed Shire Faarax
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan
- Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen
- Xildhibaan Sh. Cumar Axmed Furre
- Xildhibaan Xasan Sh. Axmed Sh. Nuux.
Xildhibaanadan magacyadooda la shaaciyay ayaa waxa lagu adkeeyay in ay ka soo xaadiraan fadhiyada Golaha Guurtida haddii kale tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Fadhigan u furmi waayay kooram la’aanta ayaa waxa loo ballansanaa sii amba-qaadka doodda iyo falanqaynta qoddobka arrimaha Bulshadda, kaasoo ka mid ahaa ajandaha Golaha. Waa markii ugu horreysay ee sidan oo kale Golaha Guurtidu u baafiyo Xildhibaanno ka soo xaadiri waayey fadhi lagu ballansanaa.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment