Thursday, September 3, 2015

Masuuliyiinta Mucaaradka ah oo si adag uga hadlay Shirkadda ay Dhawr Kun oo Hilliblayaasha Hargeysa ahi u shaqo beeleen, Xukuumaddana Baaq u diray

 

Madaxda UCID iyo WADDANI oo Xukuumadda ka dalbaday in si deg-deg ah wax looga qabto arrinta Hiliblayaasha Hargeysa u shaqo beeleen maalintii labaad shalay, dadka ka xidhanna dhaqso loo soo daayo

Hargeysa, 03 September, 2015-(Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay tacaddi ay sheegeen in lagu hayo Xoogsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo oo sheegay in illaa 75 ruux oo Guddoomiyihii iyo Xoghayihii Ururkaasi ku jiraan Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay shaqo joojin ay kaga cabanayaan Lacag laban-laab ah oo lagu kordhiyey.

Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Axmed Muumin Seed iyo Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Boqollaal ka tirsan Hiliblayaasha Hargeysa ee Iskaashatada Nafaqo oo Cabasho la hortegay shalay Wasaaradda arrimaha gudaha oo Masuuliyiinta Wasaaraddaasi albaabada ka soo xidheen, isla markaana amreen Askar Boolis ahi inay kala kaxayso dadkaas, ayaa halkaas ugu tegay Boqollaalkaas qof oo u badnaa Hooyooyin ilmaynaya oo laba cisho aan wax shaqo ah qaban.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo arrintaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waxa la leeyahay qiimihii adeegga ee laga qaadi jiray hiliblayaasha ayaa mar kaliya 100%, la libin laabay, adduunkana wax caadi ah maaha qiime mar kaliya 100%, laga dhigo, xilka ugu weyn ee wax ka qabashadeeduna waxa uu saaran yahay Xukuumadda Somaliland, waxaannu si gaar ah u sii saaran yahay Maayerka magaalada iyo Golaha deegaanka Hargeysa, waxaannu soo jeedimayaynaa in arrintaa si degdeg ah wax looga qabto? Waayo arrintani waxay taabanaysaa qoys kasta, guri kasta, qof kasta, Hudheel kasta iyo dhamaan shacbi weynaha degan magaalada Hargeysa.”

“'Dadka iyo hiliblayaashu ma qaadi karaan, adduunkana marka wax la kordhinayo wax yar baa la kordhiyaa, waana laga doodaa oo waxa la yidhaahdaa dadku ma qaadi karaan, ma boqolkiiba hal ama laba ayaa lagu daraa, laakiin boqolkiiba boqol, wax la dadku qaadi karaan maaha, waxaanu leenahay arrintaa degdeg ha looga noqdo, ha la qiyaaso, halaga doodo, golaha deegaankuna degdeg ha uga fadhiistaan arrintaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isaguna si adag uga hadlay tacaddigan haysta Hiliblayaasha, waxaanu yidhi; “Halkan aynu joogno ee Wasaaradda arrimaha gudaha horteeda, waxaannu ugu nimi Ganacsatada Hiliblayaasha ee Xoogsatada ah ee Iskaashatada Nafo oo halkan cabashadooda ka muujinaya muddo laba cisho ah, waxay ka cabanayaan sicir-kii xoolaha loogu qali jiray Shirkaddii gaarka ahayd ay laba jibbaar kaga dhigtay qiimihii ay ka qaadi jirtay.”

“Qof kasta oo Muwaaddin ahina xaq buu u leeyahay inuu cawdo, maaha dadkan cabanaya in Askar lagu fayliyo ee waa in cabashadooda iyo arrimahooda hoos loo eegaa, dadkani waa dad danyar ah, maaha in la iska xidho. Xukuumaddu haddii ay leedahay dadkii gaarka u shaqaysanayey ayaan dadkii Shirkadaha ee gaarka u shaqaysanayey uga hiilinayaa arrin  wanaagsan maaha, waa in danyarta hoos loo eego, oo xataa haddii wax lagu kordhinayo wax macquul ah lagu kordhiyo, laakiin qasab ku bixiya waa qalad.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal.

Waxaanu Jamaal Cali Xuseen oo si gaar ah ula hadlayey Wasiir Waran-cadde uu yidhi; “Beryahan waxaad mooddaa in Wasiirka arrimaha guduhu waxyaabo farabadan oo keli-talisnimo ka muuqato uu samaynayo, maanta waxaan arkayaa iyagoo dad toddobaatan qof ahi xidhan yihiin, la leeyahay maxaad uga cabanaysaan qiimaha la idinku kordhiyey. Waar dadkani waa danyar, xaq iyo xuquuq bay leeyihiin, maaha in albaabbada laga soo xidho ee waa in lala hadlaa oo arrimahooda hoos loo eego, dadka ka xidhan Hiliblayaashana loo soo daayo.”

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladda Hiliblayaasha, baaqna u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. “Dadka dhalinyarada ah ee Jaamacadaha ka soo baxaya ee la doonayo inay berri dalka iyo dadka hoggaamiyaan, Hooyooyinkii gacanta ku hayey ee Hilibka yar ee ay suuqa ku iibiyaan ka masruufayey Ubadka waa kuwaa shaqo la’aanta ah maanta ee Gidaarkaa tuban. Sababta Gidaarka soo joojisay waxa weeye 16 Sariibadood baa Hilibka lagu iibiyaa Hargeysa, waxa la doonayaa 16-kaa Sariibadood ee kumannaanka qof ku noolaayeen  in laba qof ka ceeshaan oo Kooto loogu xidho (Shirkadda Maandeeq).” Sidaa ayuu yidhi Axmed Muumin.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI Mr. Seed intaas ku sii ladhay; “Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Xukuumadda in dadkan arrintooda hoos loo eego waa dadkii shalay Bacadka kuu taagnaa Madaxweyne ee codka ku siiyey ee Siilaanyo u codaynayey, waar dadkan halloo naxariisto, 75-ka qof ee ka xidhan Hiliblayaasha dhakhso halloo soo daayo, waxaannu leenahay Madaxweyne TV-yada daawo oo Warbaahinta la soco masaakiintii wataa hortaada lagu gawracayee.”

Magaalada Hargeysa, ayaa labadii Maalmood ee u dambaysay aan lagu cunin Hilib xoolaad oo hagaagsan ama la tilmaami karo, ka dib markii ay shaqo-joojin cabasho ah sameeyeen Iskaashatada Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo oo ka cabanayey Lacag  intii hore looga qaadi jiray iyo in le’eg ah oo ay ku kordhisay Shirkadda Maamusha Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Maandeeq oo garab ka heshay Xukuumadda sida ay Hiliblayaashu ku doodayaan, isla markaana Guddi ay Xukuumadu u saartay xallinta khilaafkaas ay la safteen Maandeeq.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment