Saturday, October 31, 2015
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ku taliyey in wadahadal lagu dhammeeyo Khilaafka hadheeyay KULMIYE, kana digay Cadaawad ka dhalata Is-casilaaddii Masuuliyiinta
Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Shalay dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan oo dimuqraaddi ah loogu dhex tartamo xisbiga Kulmiye, isla markaana sida hawluhu u socdaan ku amaanay hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynahaba.
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hoggaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo xubnaha Golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo Saxaafadda kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa Jimcihii shalay oo uu ka soo degay.
Dr. Maxamed Cabdiillaahi oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan bogaadinayaa hoggaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharraxa, sida isbeddelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe.”
Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa soo jeediyey in khilaafka ka jira xisbiga lagu dhameeyo wada hadal iyo is af-garasho si xisbigu horumar u sameeyo, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa in hoggaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo Madaxweynaha Somaliland oo odaygii Qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga gudihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daah furnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi-weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”
Mar uu ka hadlayay wasiirrada is-casilay wuxuu yidhi; “Qolada wasiirrada ah ee xukuumadda ka baxay, waxaan rajeynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo Qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hoggaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo. Ta kale, Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment