Monday, October 26, 2015

loollan iyo laab la kac !! Qore: Saleebaan Kalshaale

"Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri; Qormo lafo gur ah..Q1-aad

Arraar

“Umaan qaadan qalinka qayb

Umaan qorin weedha qolo

Umaan qallin hadalka quud

Dareenka qasbaa xarfaha

Qiyaas ugu dhigay kashkayga

Ee ninkii qoonsadoow ha qarin...”  SCC. kalshaale

Arraartaa kooban kaddib, si koban haddaan idiinku iftiimiyo ujeedada qormadaydan ciwaankeedu kor ku xusanyahay; waa mid aan doonayo inaan bulshada ugu bidhaamiyo xog ka qarsoon iyo xeelad aan badankeena inoo muuqan, oo ku lamaan tartanka Murrashaxnimada Madaxweynaha Kulmiye ee shirka golaha dhexe loogu diyaar-garoobayo.

Qormadan waxaad igula waddaagi doontaan aragti shakhsi ah iyo mid caam ahaan loo fahansanaan karo oo ay ka soo dheeganayno dhaqannada Siyaasaddeed ee xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye aynu ka baranay muddadii uu xukunka hayey, kuwaasoo aynu qaybta hore ee qormada dul-xaadis kaga gudbi doono, qaybta dambe’se sawir kaga bixin doono halka ay ciyaarta xisbigu cago-dhigan doonto iyo casharrada xun-xun iyo kuwa wanaagsan ee laga faa’iidaysan karo  hirdanka ilaa bishan bilowgeedii lagu dhego-barjoobay ee aan manjarahiisu toosnayn.

Ifafaalaha maanta Nin agbuu ka arkaa, ninna ooggo korkeeda’e, waxaan inta qormadan akhrisata uga afeef dhiganayaa inaan ku hadlayo aragti iyo dareen ku salaysan afkaarta bulshada ee guud, aanse abla-ablaynayo inta aad taqaannaan iyo in ka kooban.

Waa kuma Kulmiye?

Sida la aaminsanyahay guushii kacdoonka quwada  leh ku dhalatay  ee uu Xisbiga Kulmiye hogaaminta waddanka kula wareegay sanadkii 2010-ku, wuxuu horseed u noqday hirdan cusub iyo hayaan ka dhex curtay mabaadi’ iska-soo-horjeeday oo qayb waliba doorkeeda ka ciyaartay xaqiijinta guushaas.

Mabaadiida isku-lidiga ahaa ee hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo runta ku hubsaday markii uu tallada la wareegay, ayey galka kala baxeen afkaartii ay kula socdeen xisbiga si aanu uga khasaarin baytal-maalkii ay gashadeen, iyagoo guntiga u xidhay sidii ay qaydhiinka ugu goosan lahaayeen, isla markaana gacanta ugu dhigi lahaayeen meelihii u calaamadsanaa, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba intii dibada la joogay.

Guushaas xisbiga Kulmiye saddex kooxood ayaa  qolo waliba kaalin muuqata  ku lahayd, kuwaasoo aan midna la mabda’ ahayn, waxna  u ogolayn, balse markii gulufka lagu jiray ee uu xisbigu mucaaridka ahaa ku wada socday mowqif guud  oo ay ka sinaayeen isbedel doon, kaasoo biyo dhiciisuna ahaa  inay tallada dalka mar uun hantiyaan, kana saaraan meesha nidaamkii xukuumaddii UDUB ee maamulka ku raagtay.

Kooxahan Masalaha xisbiga kaga fadhiyey saddexda daraf ee ay koox waliba danta gaarka ah iyo damaca fog ugu halgamaysay, waxay kala ahaayeen;

1-koox Ganacsato ah oo ku xisaabtamayey inay la wareegaan illaha dhaqaale iyo Khayraadka dihin ee dalka.

2- koox si aad ah isugu xidhan, isla markaana u abaabulan hab xeelladaysan oo siyaasadeed, xidhiidh la leh Urur-diimeedyada ka soo if-baxay gobolka rubuc dhamaadka qarnigii tegay, kuwaasoo  ah koox aad u firfircoon, isna tusay in guusha Kulmiye ee hogaaminta dalku u sahlayso  gaadhista bar bilowga yoolka siyaasaddeed ee ku salaysan salaanka hindisaha mustaqbalka dhexe ee aragtiyaha Islaamiyiinta xukun doonka ah.

3- kooxda kale, waa qollada ilaa iminka gacanta ku haya hogaaminta xisbiga, markii madaxweyne siilaanyo tallada qabtayna lagaga yimi garoonkii xisbigu ku ciyaari jiray markuu mucaaridka ahaa. Waa naadigii majaraha xisbiga kula wareegay qalaylka  ee iyagu ka qayb-galka xukuumadda ka door-biday inay Madaxtinimada xisbiga ku hadhaan. Waa koox u badan halgameyaashii SNM oo ay hormuud u yihiin labada Konarayl ee guddoomiyaha iyo ku-xigeenka ka ah xisbiga, mabda’ooda Siyaasaddeedna waxa uu cakis ku yahay kooxda waddaadada ah.

La soco qormooyinka dambe..

Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa/

Email: editor@gobanimonews.com

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment