Jubba, 29 October, 2015-(Himilo)- Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay Warbixin ka hadlaysa Xad-guduyada kala duwan ee ka dhashay Colaadaha ka socda dalka Suudaan-ta Koonfureed, waxaanay labada dhinac ee Mucaaradka iyo dawladda ee dagaalku ka dhexeeyo ku eedeeyeen ay dhinac kastaa yahay dembiile dagaal, hase-yeesheen, Mucaaradka ayaa ku tilmaamay warbixintaas mid dhinac ka raran oo aan dheelli-tirnayn.
Warbixin dhinacyo badan xaaladda dalkaas lagaga eegay oo uu soo saaray Ururka Midawga Afrika, ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaallamaya Koonfurta Suudaan ee Xukuumadda iyo Kooxda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar ay galeen dambiyo dagaal iyo Xuquuqda Aadamaha ka dhan ah. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xad-gudubyada ay ka mid yihiin; Kufsi, dilal naxariis-darro ah, Jidh-dil, falal ka baxsan Bani’aadaminnimada, Afduub joogto ah iyo tacaddiyo kale.
Sidoo kale, Guddiga Warbixintan soo saaray ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in aanay weli helin wax caddeynaya in dalkaas ay ka dhaceen xaquuq baahsan, intii uu socday dagaalka sokeeye, balse waxay xuseen in xad-gudubyada la diiwaan-geliyay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo ee dawladda iyo Mucaaradka Sudan-ta Koonfureed.
Xukuumadda Suudaan-ta Koonfureed, ayaan weli ka hadal Warbixinta Midawga Afrika ee ku saabsan inay galeen xad-gudubyo ka dhan ah Bani’aadaminnimada, iyadoo Mucaaradka ay si kooban uga hadlay Warbixintan.
Ezekiel Lol Gatkuoth oo ah Xoghayaha arrimaha dibedda ee Ururka SPLA, ayaa sheegay in Mucaaradku aanay wax walwal ah ku hayn dembiyada Warbixinta lagu sheegay, waaxaanu sheegay in loo baahan yahay in falalka aan la iskula xisaabtamin la baabbi’iyo.
“Dabcan, sida lala socdo waxaa lasoo saaray War-Saxaafadeedyo dhawr ah tan iyo sannadkii 2014-kii, waxaana dhawr jeer oo hore uu hoggaamiyaha kooxda SPLA Riek Machar Teny uu dalbaday in lasoo saaro Warxbixinta ku saabsan dadka ku kacay falalka xad-gudubyada ah ee ka dhacay dalkan intii ay colaaddu socotay. Laakiin-se, ugu dambeyn hadda ayaa lasoo saaray.” Sidaa ayuu yidhi Danjire Gatkuoth.
Guddiga Midowga Afrika, ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay Kooxda SPLA ee Mucaaraadka ah iyo weliba Xukuumadda South Sudan inay ku kaceen falal dambiyeedyo dilal ah. “Dilal wadareedyadan waxa loo geystay, 134 qof oo kasoo jeeda Nuer oo si badheer ah loo dilay. 90-qof oo rayid ah oo iyaguna kasoo jeeda Nuer oo lagu dilay magaalada Jubba, 107-qof oo iyagana lagu dilay deegaannada Khor William iyo Munuki. Dad rayid ah oo ka soo jeeda iyaguna Beelaha Nuer iyo Dinka ayaa lagu dilay Bor iyo Malakal.” Sidaa ayay Warbixinta qaybta dilalka khusaysay ku yidhaahdeen Guddiga Midawga Afrika u qaabbilsanaa arrimaha ka socday Suudaanta Koonfureed tan iyo markii sannadkii hore dagaalku ka dhex-bilaabmay dawladda iyo Mucaaradka dalkaas.
Gatkuoth oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay inaanay SPLA iyo Machar wax lug ah ku lahayn eedeymahan oo aan lagula Xisaabtami karin, waayo buu yidhi; ‘waa dembi ay ka dam-beeyeen Siyaasiyiinta Xukuumadda Koonfurta Suudaan.” Isagoo intaas ku daray in haddii ay jiraan xubno labada dhinacba ka tirsan oo si iskood ah dembiyo u galay ay tahay in lagula xisaabtamo; balse aan dusha laga saarin cid aan wax dembi ah gelin.
Waxa uu Ezekiel Lol Gatkuoth oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo uu yidhi; “Hagaag… haddii aad eegto, dhammaanteen oo uu ku jiro hoggaamiyaheenna ugu sarreeya Mucaaradka, Riek Machar waxaannu nahay dhibbbanayaal, waayo? Haddii ay Xukuumaddu na qabto Xukunkeennu waa dil. Aniga waa la i qabtay, Maxkamad ayaa la i soo taagay anigoo la igu eedeeyay inaan doonayay inaan afgambiyo Xukuumadda, laakiin waa la igu waayay dembigaas, waana la i daayay. Markaa, dhammaanteen waxaynu nahay dhibbanayaal, mana jirto cid qabatay kuwii falkaas nalgula kacay oo la xisaabtamay.”
Guddiga Ururka Midawga Afrika ee Warbixintaan soo saaray, ayaa sheegay inay hayaan Liiska Xubnaha Dembiyada loo haysto, balse kumay soo darin Wabixinta ay soo saareen Xubnaha sida tooska ah ama gaarka ah dembiyadaas u geystay ee isku mid ah eedaynta dembiyadaas dusha uga saareen dawladda iyo Mucaaradka Suudaan-ta Koonfureed oo ay sheegeen in dhinac weliba dembiile dagaal yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment