Saturday, June 28, 2014

Soomaali Dacwad ku oogay Safaaradda dalka Qatar ee London iyo go’aanka Maxkamadda

London, 28, June, 2014-(Himilo)- Nin Soomaali ah oo ilaaliye ka ahaa Safaaradda dalka Qatar ku leedahay Ingiriiska oo sheegay inuu aflagaaddo iyo midab-takoor kala kulmay Saraakiisha Safaaraddaas, ayaa dacwadda uu Maxkamadda u gudbiyey loo muddeeyey go’aan ka gaadhisteeda sannad ka dib.

p6 Mohamoud AhmedSida lagu daabacay Wargeyska London Evening Standard shalay, ninkaa Soomaaliga ee haysta dhalashada Ingiriiska Maxamed Axmed oo 73 jir ah, oo la sheegay inuu ilaaliye ka ahaa Safaaradda dalka Qatar ee London muddo 20 sannadood ah, ayaa sheegay in Sarkaalka Safaaradda u qaabbilsan Caafimaadku Abdullah Al-Ansari luuqadda Af-Carabiga ugu yeedheen “Ey” iyo “Dameer, una gudbiyey Maxkamadda Xuquuqda Shaqaalaha London dacwad ka dhan ah Safaaradda Qatar.

Safaaradda dalka Qatar ee London, ayaa beenisay eedaha ninkan Soomaaligu sheegay inay ku aflagaaddeeyeen, Shaqadiina kaga saareen sifo khaldan. Afhayeen u hadlay Safaaradda, ayaa yidhi; “Eedaha Mr. Axmed gebi ahaan waa been. Ma jirto Sifo khaldan oo loola dhaqmay, loo aflagaaddeeyey ama midab-takoor loogu sameeyey. Ma jirto eedahaasi. Inankiisa iyo xubno qoyskiisa ah weli way ka shaqeeyaan Safaaradda.”

Maxkamadda haysa Dacwadda ninkan, ayaa sheegay inay hakiyeen gelitaanka dacwaddan, illaa inta Maxkamadda sare go’aan ka soo saarayso in Safaaraddu leedahay dhowrsanaan aan dacwaddan lagu oogi karin iyo inkale. Afhayeenka Safaaradda Qatar iyo Madaxa Caafimaadka Safaaradda Mr. Al–Ansari, ayaa sheegay inay la yaabeen eedaha loo soo jeediyey, isla markaana sheegay in xidhiidh wada shaqeyn wanaagsan u dhexeeyey Mr. Ahmed.

Qareenka ninkan Soomaaliga ah Audrey Onwukwe, ayaa yidhi; “Waxaan filayaa inay khalad tahay in ajaanibka u shaqeeya Safaaradaha dibeddu ay waayaan ilaalinta sharciga ee shaqaalaha kale haystaan.”

Afhayeen u hadlay Maxkamadda Racfaanka London, ayaa yidhi, “Dhegeysiga dacwadda ee Maxkamadda Xuquuqda shaqaalaha London wuu socdaa. Eedahu waa midab-takoor iyo aflagaaddo. Waxaan kuu caddeyn karaa in kiiskan la hakiyey illaa go’aan ka soo baxayo Maxkamadda sare.”

Himilomedia.com             

Hargeysa-Somaliland

Xidhiidhka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu Laaluush Qadar kaga qaatay u codeynteeda

London, 28, June, 2014-(Himilo)- Xidhiidhka Kubbadda Cagta Soomaaliya, ayaa la sheegay inay lacag Laaluush lagu siiyey sidii ay codkooda u siin lahaayeen in Ciyaaraha Adduunka lagu qato dalka Qatar sannadka 2022, sida xogo lagu helay.

IMG_F6CD40-ECF737-E002BE-A5EBD3-9E915C-DCE934Warkaas oo lagu baahiyey Shabakadda Wikileaks shalay, ayaa lagu sheegay in Masuul ka tirsan xidhiidhka Kubbadda Cagta dalka Qatar lacag aan qaddarkeeda la ogeyn ku siiyey xidhiidhka Soomaaliya, loogu diray Xisaabaad ay ku leeyahiin Baan ku yaalla dalka Jabuuti.

Xogaha Wikileaks ayaa lagu sheegay in farriin Sarkaal la yidhaahdo Najeeb Chirakal oo xidhiidhka Kubbadda Cagta dalka Qatar ugu diray Lacagta Laaluushka xidhiidhka Kubbadda Cagta Soomalaiya sida uu ku sheegay farriin Email uu diray 27 bishii lixaad 2010-kii.

Qoraal Jawaab-celin oo Xoghayaha xidhiidhka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdikariin Siciid Carab soo diray ayuu ku sheegay xogtaas, waxaanu ku yidhi; “Dhinicii ololaha Weftiga Soomaaliya, waan kula soo socodsiin doonaa usbuucan wararkiisa. Fadlan salaan naga gaadhsii Madaxweynaha Qatar  HE. Mohamed Bin Hamam.” ayuu farriintiisa Jawaabta ah ku yidhi Cabdikariin Siciid.

Himilomedia.com             

Hargeysa-Somaliland

 

Madaxweyne Obama oo dalbaday Nus Bilyan Doollar oo lagu hubeeyo Mucaaridka Suuriya

Washingon, 28, June, 2014-(Himilo):- Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa weydiisanaya Golaha Wakiillada (Congress-ka) ee dalkiisa inay u oggolaadaan nus-bilyan Doollar oo Lacag oo lagu tabobbaro laguna qalabeeyo Xubnaha Mucaaradka ah ee Suuriya oo dagaal hubaysan kula jira dawladda Suuriya.

obamaHaddii Congress-ka (Golaha Wakiillada ama Golaha Sharci-dejinta) ee Maraykanku meel-mariyaan dhaqaalahan, waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee Mareykanku Millateri ahaan toos uga qeybgalo dagaalka ka socda dalka Suuriya dhawrkii sano ee u dambeeyey.

Hadalka oo dhan waxa uu yahay jawaab, haddii dowladda Suuriya ay u isticmaashay dadkeeda hubka ka sameysan suntan Kiimikada, in Maamulka Obama weli ay xaddidan tahay galaangalka ay ku leeyihiin arrintaaas. Balse, sii xoogeysiga kooxda loo yaqaanno ISIS, ayaa u muuqata inay xoojisay gacmaha Madaxweyne Obama.

Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa hadda ugu baaqaya (Golaha Wakiillada) Congress-ka inay ansixiyaan 500 oo Milyan oo Doollar, si ay ugu tabobbaraan uguna qalabeeyaan koox ay ku tilmaameen kuwo si sax ah loo baadhay oo ka mid ah Mucaaradka Suuriya.

Waxa jira warar sheegaya in tabobbarka lagu qabanayo dalka Jordan oo hadda CIA-da Maraykanku ay ku leeyihiin xarun Ciidan ama dalka Turkiga midkood. Welina ma cadda nooca ay tahay taageerada Millateri ee Mareykanku uu siinayo Mucaaradka Suuriya ee dawladda dalkaas dagaalka kula jira, inkastoo ay hore Mucaaradka u codsadeen hubka lagula dagaallamo diyaaradaha.

Tallaabada noocan ah waxa ay sare u qaadeysaa dhaqdhaqaaqyada Maamulka Madaxweyne Obama uu dalka Suuriya ka wado, balse micno kuma fadhido haddii Congress-ku ay aqbalaan ansixinta dhaqalaahana faraha badan ee Aqalka Cad ku dalbanayo inay qalinka ku duugaan aqbalaaddiisa.

Golaha sharci-dejinta Mareykanka, ayaa hore su’aal uga keenay sida lagu garan karo Mucaaradka qunyar- socodka ah iyo sida ay macquul ku noqon karto in hubka Mareykanku uu si fudud gacanta ugu galo kooxaha xag-jiriinta ah ama ay argaggixisada ugu yeedhaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Friday, June 27, 2014

Shirka Caalamiga ah ee Arrimaha Deegaanka Oo Nairobi Si Habsami Leh Uga Socda

Nairobi:June,27,2014(Himilo)-Is Aragga Koowaad ee Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ilaalinnta Deegaanka ayaa si habsami ah uga socda Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka kenya.

degmoShirkan, ayaa wax aka qayb gelaya Ku dhawaad 1065-ruux oo ka kala socda 163-dawladood, iyadoo ay shirka fadhiyaan 113-wasiir oo dawladood  oo isla dalalkaas ka socdaa.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa si rasmi ah u furay shirka, iyadoo Wasiirrada ka qeyb galaya kulankaasi ay maanta ka hadlayaan qaabka joogtada ah ee lagu hormarin karo deegaanka iyo qorshaha sanadka 2015-ka, sidoo kale waxaa jira kulamo gooni gooni ah oo looga tashanayo horumarinta deegaanka Caalamka.

 

Dr Oyun Sanjaasuren Wasiirka deegaanka ee dalka Mongolia ayaa billowgii shirka loo doortay madaxa golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ku xigeenno looga dhigay 8 xubnood oo ka soo jeeda dalal kala duwan.

Dhinaca Soomaalida waxa Shirka fadhiya oo ka qayb gelaya Wasiirka Dawladda Federalka ugu qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekeaha Yuusuf Macallin Ammiin Baadiyow.

Dhinaca kale shirka ayaa la soo gabagabeyn doonaa berri oo Sabti ah, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo looga hortagayo dhibaatooyinka heysta deegaanka caalamka, waxaa gabagabada qudbad ka jeedin doono xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon.

 

Himilo Media

Midowga Yurub iyo Ukrain Oo Wada Gaadhay Heshiis Ruushku si Weyn Uga Cadhooday

Kiev:June,27,2014(Himilo)-Xukuumadda Cusub ee Waddanka Ukrain dhawaan ka dhalatay, ayaa Midowga Yurub la gashay Heshiisyo la xidhiidha Arrimaha Dhaqaalah iyo Iskaashiga, kaas oo dawladda Ruushku si weyn uga cadhooday.

urreHeshiiskan ayaa ah mid dhanka dhaqaalaha ah isla markaana sare u qaadaya ganacsiga Ukraine iyo Midowga Yurub u dhaxeeya, waxayna kusoo beegmaysaa xili aan weli xal laga gaadhin xiisada ka taagan bariga Ukraine.

Xabad joojin dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Ukraine Poroshenko ayaa lagu fashilmay in laga hirgeliyo deegaanada Bari ee Ukraine oo ay weli ka socdaan dagaalo xoogleh oo ay ku baro kaceen kumanaan dad ah.

 

Dowlada Ruushka ayaa isla markiiba ka digtay cawaaqib xumada ka iman karta heshiiska ay wada saxeexdeen Midowga Yurub iyo Ukraine oo hore uga mid ahaan jirtay Sofiyeetkii burburay.

 

Dhawaan ayey ahayd markii shirkada Gaaska ee laga leeyahay Ruushka ay gebi ahaan jartay gaaska laga iibiyo dalka Ukraine, kadib markii qiimihii sare loo qaaday iska bixin wayday xukuumada Ukraine ee fadhigeedu yahay Kiev.

Xaalladdan cusub ayaa laga warwar qabaa inay sii xumayso xaaladda Deegaanada Bariga dalka ukrain oo kooxaha Gooni u goosatada ahi haatan uun ku dhawaaqeen inay xabadda joojin doonaan Muddo kooban.

 

Hoggaamiyaha Kulmiye Oo Munaasibadda Xorriyadooda Ugu Hambalyeeyey Shacabka Reer Djibouti

Hargeysa:June,27,2014(Himilo)-Hoggaamiyaha Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka Reer ugu Hambalyeeyey Xuska qaran-nimadooda oo ku Beegan Maanta oo Bishu tahay 27-ka Bisha June.

muuse biiiixiGuddoomiyaha ayaa Hambaladiisa ku sheegay War-saxaafadee uu ku saxeexan yahay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Himilo, Kaas oo u dhignaa Sidatan:

REF: XK/XGX/0042013/2014                                                                          Date: 27/06/2014

 

Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawlada Djibouti  iyo shacabkeeda xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda ka qaateen gumaystihii faransiiska(France),

Gudoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo.

Gudoomiyaha kulmiye wuxuu  Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti.

Gabagabadii wuxuu Gudoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka  37jirsaday ee ay ku naaloonayaan  manta, isagoo u rajaynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Muuse Biixi Cabdi.

 

 Himilo Media

Al-shabaab Oo Lagu Eedeeyey Inay Bilaabeen Qorshe ay Dad u Afduuban Hub Ugu Beddelanayaan

Marka:June,27,2014(Himilo)-Waxa warar cusubi oo aan hore loo maqli jirini ka soo baxayaan  Dad ay dhawaan kooxaha Al-shabaab ka Geysteen Deegaanno ku yaalla Gobolka Shabeelaha hoose ee Somalia.

xraNinka Dawladda Federalka Somalia u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Hoose  oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Siidii oo la  hadlay Idaacadaha Muqdisho ku yaalla ayaa sheegay inuu hayo qoryshayaal Al-shabaab la soo baxeen oo ku xidhayaan Sii daynta Dadka ay gacanta ku Hayaan.

C/qaadir Sidii ayaa sheegay in Alshabaab ay dhaqamo cusub ka bilabeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan marka ay afduubka u geystaan dadka ganacsatada ah ee ku dhaqan degmada Qoryooleey.

Wuxuu sheegay in dadkaasi sii deyntooda Alshabaab ay ku xidheen shuruud ah in qof walba uu keeno laba ilaa hal qori oo AK 47 ah, sida uu sheegay ayna tahay arin ku cusub deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sababta arrintan ka dambaysa ku macneeyey sidii kooxahaasi ku heli lahaayeen Hub ay kaga hawlgalaan deegaanno farahooda ka maqan oo ay doonayaan inay Xoreeyaan.

Alshabab ayaan ka jawaabin eedeynta kaga timid masuuliyiinta maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 Himilo Media