Shaashada Telefishanka Dawladda iyo HCTV ayaa si toos ah looga baahinayay Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin xukuumadda ka socda iyo boqolaal Marti sharaf ah, taasoo lagaga dhawaaqay isu geynta lacag ka badan Shan Boqol oo Kun oo Dollar ($500,352.34).oo ku jirta gacanta Guddida dhismaha Jidkaa loo magacaabay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Xukuumadda ee xaflada ka hadlay, halka sidoo lacag malaayiin Dollar ah ballan-qaadkooda laga sugayo qurbejoogta iyo ganacsatada dalka.
Xafladda ayaa isla caawa ay kaga dhawaaqeen dadkii ka soo qayb-galay qaadhaan cusub, waxaana dhinaca kale lagu sharaxay qaabka ay dadku lacagta u kala bixiyeen ilaa bilowgii qaadhaan uruurinta Mashruuca.Dadka caawa Munaasibadan lagu bandhigay magacyoodda ee ka qayb-qaatay Mashruuca waxa ka mida Madaxweyne Siilaanyo oo bixiyay $6,000 oo Dollar iyo Masuuliyiin kale oo sar-sare iyo asxaabta Mucaaridka ah.
Dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo Masaafo ahaan dhan 375KM ayaa lagu qiimeeyay lacagta ku baxaysa Laamiga laga dhisayo lacag kor u dhaafaysa 20 Milyan oo Dollar.Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment