Boorama (Himilomedia.com)Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta shir jaraaid ku qabtay gudaha magaalada Boorama ayaa ka waramay dhawr arrimood oo ay ku jirto xiisada ka oogan gudaha golaha deegaanka ee degmada Boorama, iyo arrin kale oo dad loo xidhxidhay oo ka dhacday deegaano ka mid ah gobolka Awdal, kadib markii ay dad deegaan ahi is hor taageen qodida xadhiga internetka ee SOMCABLE.
Wasiirka oo ugu horayn ka hadalay xiisada golaha deegaanka Boorama waxa uu yidhi “Waxa aan aad uga xumahay isla markaana dadwaynaha reer Boorama ka raali galinayaa falalka u dambeeyay ee ka dhacay Dawladda Hoose ee Boorama ee ay ka daawadeen telefishanada, falalkaasi oo ay ku kaceen inamadii la doortay ee ay dadwaynuhu u codeeyeen, waxa aan leeyahay waa fal nasiib daro ah, ma aha wixii la filayay, waa wax ka soo horjeeda waxqabadka iyo dimuquraadiyada, waxana aan leeyahay dib dambe u dhici mayso in hooyada cashuurta ku bixinaysa D/Hoose baabuur lagu hor gooyo oo la car qaladeeyo shaqada socota”
Wasiirka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah in nidaamka dawladeed iyo awooda uu sharcigu na siiyay ay barbarsocoto sharciyad kale oo xakamaynaysa xadgudubka, taasi ayaana shaqaynaysa, xildhibaanka ku xadgudba sharcigana waa laga dhex qaban doonaa golaha iyo bulshadada, Awooda shicibka ayaa leh, waxa noo muhiimka ah inuu hagaagana waa codkii ay bixiyeen dadka shacabka ahi”
Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadda dhexe aanay faragalin ku haynin golayaasha deegaanka waxana uu yidhi “Ma jirto wax faragalin ah oo uu sharcigu noo baneeyay oo aan ku haynaa ama ku qasbaynaa golaha deegaanka, balse waxa jirta wasaaradd ay wada shaqayn leeyihiin oo ah wasaarada Arrimaha Gudaha taasi oo ay degmada uga wakiil yihiin Xoghayaha D/Hoose iyo Badhasaabka oo ah heer gobol una qaabilsan fulinta, waxana aan sheegayaa inaan marka aan noqdo arrimahu sida ay yihiin uga waramo Wasiirkii dhigayga ahaa ee Wasaaradaasi, waxase kulamo aan la yeeshay maamulka gobolka, xildhibaanada iyo madaxda Hay’addaha Amniga aanu isla garanay in inta u dhaxaysa hada iyo marka aan fariinta gaadhsiinayo Wasaarada Arrimaha Gudaha aan loo baahnayn inay dhalinyarada xildhibaanada ahi qaadaan talaabo kasta oo amniga wax u dhimaysa, sidaasna waan ku heshiinay”
Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa kale oo uu sheegay inay soo afjareen xiisadii dhinaca Cable-ka ee dadka loo xidhxidhay ee ka oognayd deegaanka Fadhixun ee gobolka Awdal waxana uu yidhi “Waxay arrintaasi noogu dhamaatay si wanaagsan, waxa aan dhawaan sii daynaynaa 20kii qof ee xidhxidhnaa, waxaanu isla qaadanay odayaashii dhaqanka ee ka masuulka ahaa dadka xidhxidhan inay bixiyaan wixii khasaare ahaa ee ay gaysteen, waanay aqbaleen, waxana shirkadii loo ogolaaday inay shaqadeedii si habsami ah u wadato, arrinta muhiimka ah ee aan laga tagayn waxay tahay in hay’addaha iyo shariikadaha dalka maalgashanaya aan soo dhawayno ka xukuumadd ahaan, xadhiga internet-ka ee SOMCABLE wado waxaan aqoonsanahay inuu faa’iido balaadhan oo midhaheedii in la-gurto u dhaw uu u leeyahay dadka iyo dalka Somaliland, mana jirto sabab loo horjoogsadaa”
Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment