
Waxa ugu horeyn shirkaas Jaraa'id ka hadlay Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Anagu waxaanu ka nimi deegaankii ay Shaqaaqadu ka Dhacday,in badan baanu isku hawlay laakiin Illaahay mahaddii haduunbay noo qabsoontay, labadii dhinacba si ay ka muuqato inay nabdgelyo u baahanyihiin ayaa ka arkaysay, waxaana laysla qaatay nabadcaam ah iyo xabad joojin iyo in wacyi galin la sameeyo," ayuu yidhi Suldaan Maxamud X. Xasan
Waxa halkaas laga akhriyey lix qodob oo la sheegay inay isla qaateen wax-garadka iyo madax-dhaqameedka labada beelood, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1) Nabadgelyo iyo Xabad joojin. 2) Waxaa la dhaariyay Laba iyo Afartan isugu jira labada dhinacba. 3)Waxaa laysla qaatay Gogol nabadeed iyo Shir Danbe. 4) Meesha shirka labaad ka Dhacayaa Waa Coodanle. 5) Mudada la qabtay Ee lagu balamay Waa 20/2/2014 ilaa 20/4/2014 iyo 6) In la sameeyo Wacyi-Galin Nabadeed Oo dadka lagu wacyi galiyo.
Dhinaca kale, wax-garad ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhankooda faahfaahin ka bixiyey nuxurka waxyaabaha ay labada dhinacba ku qanceen ee shirka ka soo baxay.
Caaqil Cabdisamad Cali Xasan oo ka mid ahaa ergada beelaha Buuhoodle ee shirka ka qayb-galay, ayaa sheegay in la isla qaatay afar qodob oo kala ahaa: Xabad joojin, 21 xubnood oo la dhaariy, Shir la isugu yimaado 20-ka bisha Abriil ee sannadkan iyo in la sameeyo wacyigelin dhinaca ammaanka ah.
Madaxdhaqameedka halkaasi joogay ee guddoonka lahaa ayuu caaqilku sheegay inay kala ahaayeen: Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, Suldaan Maxamuud Guuleed, Garaad Saleebaan Bullaale iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen.
Sidoo kale, Caaqil Cali Cabdi oo ku hadlayay magaca madaxda dhaqanka iyo cuqaasha ayaa ku dhaawaaqay in laga billaabo wakhtiga shirku soo xidhmay beelaha colaaddu sannadaha badan dhex-taalay ay yihiin nabad, ciddii garab martana masuuliyadda wixii kaga yimaadda ay keligeed qaadayso. Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment