Saylac, (Himilomedia.com)- Iyada oo la ogyahay muhiimadda ay shacabka u leedahay inay helaan cadaalad loo siman yahay iyo nidaam garsoor oo dabbaqa baahiyaadka iyo isku-dheelitirnaanta waaxaha kala geddisan ee haykalka dawladnimo, haddana waxa ay fool-xumadu muuqan kartaa haddii la waayo adeegyadii aasaaska u ahaa dawladnimada.
Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal waa guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Selal ee xaruntiisu tahay magaalada Saylac, waxa uu dacwadaha iyo kiisaska shacabka ku hoos-qaadaa Geed-hoostii, sababo la xidhiidha imkaaniyaadkii uu bulshada ugu adeegi lahaa oo meesha ka maqan.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Selel waxa uu ceeb-qaran ku tilmaamay inaanu haysan dhisme uu ugu adeego bulshada uu masuulka uga yahay Garsoorka, isaga oo sheegay inay tani horseedayso inay dayacmaan xogo muhiim ah oo Dawladdu leedahay.
"Sidaad halkan aad ku arkayso ee kuu muuqata ma haysano dhamaanba kaabayaashii ama adeegyadii aanu bulshada ugu shaqayn lahayn,” sidaa waxa yidhi Sheekh Ibraahim oo u warramay Wariye Axmed Macalin.
“Waxaan ku shaqeeyaa oo aan kursiga dhigtaa geed hoostii kadibna aan dadka ku kala xaliyaa uguna gar-qaadaa, taasina waa caqabadda noogu wayn ee naga haysata xafiis la'aanta waana ta igu kaliftay in aan gurigaygii ka dhigto xafiis aan ku kaydiyo Docomante-yadii iyo waraaqihii dacwadaha ee dadka loogu garnaqay,” ayuu guddoomiyuhu u sheegay wariyaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Selel, waxa kale oo uu taabtay caqabad ka hortaagan inay si hufan ugu shaqeeyaan bulshada, "Waxa kastaba waxa nagaga wayn oo ay dhibaatada ugu wayni naga haysaa waa qalab la’aan, isla markaana ma haysano meel aanu ku qoranno waraaqihii dacwadaha ee aanu dadka ku kala xaqayney oo waxaanu kolba soo barinaa xafiisyada ama xarumaha gaarka loo leeyahay.”
Gudoomiyaha Maxkamada Salal waxa uu intaasi raaciyey. “Waa ceeb inteeda leeg hadii la yidhaahdo gobolka dhan ee Salal iyo Caasimadii Saylac waa bilaa Maxkamad markaa waxa noogu wayn ee gobolkan ka maqani waa maxkammad la’aan, waliba magaalada Saylac oo ah xaruntii gobolka oo si deg-deg ah loogu baahanyahay si loo asturo loona xakameeyo sirta dawlada iyo xogtii umadda si aanay dibada ugu bixin isla markaana loo hello meel lagu sugo.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in uu tiraba dhawr jeer uu kala hadlay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid isla markaasina uu codsiyo fara badan oo u ku dalabanayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka haysata xafiis la'aanta u qoray.
“Waxaan wasiirkayaga kala hadalnay in uu arrintan wax nagala qabto oo uu noo dhiso xaruntii wasaaradda Cadaalada ee gobalka Salal ilaa hadana wax jawaaba oo aanu ka haynaa ma jirto,” ayuu yidhi Sh Ibraahim.
Waaxda Garsoorka oo ka mid ah saddexda qaybood ee dhismaha dawladda Somaliland ka kooban tahay, ayaa qaybta ugu liidata ee bulshada kala duwan ee dalku cabashada ugu badan ka muujijaan sababo la xidhiidha inay ka hooseeyaan adeegyada iyo miisaaniyadda loo qoondeeyo hay’adaha kale ee Dawladda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment