Thursday, February 20, 2014

Hirdida Hadalkii Wasiir Garaad, Dagaal-hollashadii Guddoomiye Faysal, Hugunkii Madasha Iyo Heshiiskii Ka Dambeeyey

Hargeysa, 18, Feb, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka xanaaqay, isla markaana aad uga cadhooday Xigmad ama Maahmaah uu kula hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), taasoo uu ku sheegay in gobollada Galbeedka dalka lagaga maahmaaho, hase yeeshee uu Faysal aad uga gubtay.
Munaasibad Afar Suxufi ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay qaar ka mid ahi ku guddoonsiinayeen Abaal-marin ay ku mutaysteen tartan u galeen Weriyeyaasha arrimaha Bulshada iyo xog-baadhista Saxaafadda ee sannadkii tegay oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayay Guddoomiyaha UCID iyo Wasiirka Shaqadu ka mid ahaayeen Masuuliyiin lagu casuumay oo ka qaybgalay.
Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiinta hadallada ka jeediyey Xafladdaas, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Xaaladda siyaasadeed ee dalku maanta marayo, salka khilaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada oo uu xusay in Xukuumadda lagu eedaynayo inay faro-gelin ku hayso, marxaladda Saxaafadda Somaliland soo martay, heerka ay waqtigan taagan tahay, cidda tacaddiyada kula kacda oo uu ku tilmaamay dadka Saxaafadda hore uga tirsanaan jiray ee hadda Xukuumadda ka midka ah iyo qodobbo kale oo khuseeya hoos-u-dhac dhaqaale iyo kala sarraynta nolosha shacabka Somaliland oo uu Xukuumadda ku eedeeyey.
Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo hadalka kaga dambeeyey Guddoomiyaha UCID, ayaa isaga laftiisu ka hadlay dhawr qodob oo kala duwan, isla markaana isku deyey inuu Faysal yar naqdiyo, waxaanu isku-daygaas kala kulmay dagaal aan hirgelin iyo weedho aflagaaddo ahaa oo uu Guddoomiye Faysal ku yidhi Wasiirka, ka dib markii uu si aad ah uga cadhooday hor-dhaca weedhaha Wasiir Garaad. Hase ahaatee, wax rabshad ahi ma dhicin oo waa lagu guntaday in Faysal dagaal uu holladay ka dhabeeyo.
Wasiir Garaad waxa ka mid ahaa weedhihiisa oo uu yidhi; “Faysal waa siyaasi, xumaan kale malaha, laakiin waxaan odhan lahaa haddaad maalin walba Warbaahinta ka muuqato oo aad nin weyn oo siyaasiyana tahay marka dambe hadalkaagu dadka macno u yeelan maayo. Qoladayada Galbeedkuna waxay ku maahmaahaan; ‘Dibiga Goondhabada badan (Hirdida badani) Madaxa ayuu u dhintaa’.”
Wasiir Garaad markii uu weedhahaa kor ku xusan yidhi ee uu hadalka sii wato, ayuu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo fadhiyey Kursiga markaa ugu xidhay Miiska hadalka (Minbarka) ayuu wasiirka oo taagan uu Faysal la holladay inuu ku tuuro Taleefankiisa gacanta (Mobile-kiisa), balse kuma guulaysan in uu tuuro oo waxa gacanta ku dhegay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo Guddoomiye Ku-xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo isagu Xafladda xidhiidhinayey. Waxaana Faysal ka soo yeedhay kalmado aflagaaddo ama cay ah oo uu Wasiirka ku yidhi, isaga oo ka xanaaqsan Dibiga uu ugu maahmaahay.
Waxoogaa buuq, sawaxan iyo hugun ah, ayaa ka dhashay cadhadaa Faysal ee hadalka Wasiirku keenay, dadka qaar ayaa Kuraasidii ay ku fadhiyeen ka kacay, Saxaafadduna waxay kamaradaha kula sii dhawaadeen goobta ay Masuuliyiintu fadhiyeen oo aanay marka hore-ba ka fogeyn, hase-yeeshee, daqiiqado ka dib xaaladdu way degtay, Madashuna sideedii bay ku noqotay, hadallada kala duwan ee Masuuliyiinta iyo ujeeddada Xafladda loo qabtayna si caadi ah bay halkaas uga sii socdeen.
Inkasta oo aanu Faysal Cali Waraabe intii Xafladdu socotay aqbalin raalli-gelin Wasiirku u jeediyey, isla markaana uu markaa ka dib Wasiirkuna u muuqday inuu ka cadhooday aflagaaddada weedho haykalka siyaasadeed ka baxsan ee Faysal yidhi, haddana markii ay Munaasibaddu dhammaatay ee dibedda looga soo baxay Hoolka Xafladda lagu qabtay, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ku guulaystay inuu Guddoomiye Faysal iyo Wasiir Garaad Gacanta isu-saaro oo ay is-raalli-geliyaan, isla markaana midba midka kale isaga oo ka raalli ah cafiyo.
Waa markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Siyaasi madal lagu wada casuumay oo jara-raacay hadalkiisa uu sidan oo kale uga cadhoodo oo uu aflagaaddeeyo, isla markaana hollado inuu la dagaallamo. Hase-yeeshee, Faysal bilawgii bishan aynu ku jirno, waxa uu ku hanjabay inuu Xafiiskiisa ugu tegi doono oo uu la-dagaallami doono haddii uu mar dambe Warbaahinta cay u soo mariyo Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Somaliland oo uu sheegay inuu caydiisa iyo aflagaaddadiisa caadaystay intii xilka Wasiir Ku-xigeenka loo magacaabay oo sannad ku dhaw.
Si kastaba ha ahaatee, Faysal Cali Waraabe oo ah Siyaasi ay Xukuumadda talada waqtigan haysaa si weyn uga gubato naqdiga, dhalliilaha iyo eedaha uu u jeediyo, jawaabo badanna ay ka bixiso hadalkiisa, ayaa marka loo eego labadaas tallaabo ee shalay iyo hanjabaadda hore ee uu Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga u jeediyey, waxa uu u muuqanayaa inuu dhawaanahan damqaday, isla markaana ka gubanayo jawaabaha iyo badheedhaha kaga imanaya Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo hadalladiisu lafteeda saamayn ku yeelan jireen.

No comments:

Post a Comment