Tuesday, April 1, 2014

DHEGAYSO: Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil oo ka Warramay Qaabka loo Hubiyo Caafimaadka Xoolaha dalka laga Dhoofinayo

geelBerbera (Himilo)- Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr Cali Maxamuud Guuleed (Cali-qudhaanjo) han amasuulka ugu sarreeya ee Wasaaradda u xil-saartay hubinta iyo inay kaantaroosho nidaamka ay maxjarrada dalka ku yaalaa u maraan Daryeelka iyo Ilaalinta Caafimaadka Xoolaha dalka laga dhoofinayo, ayaa daboolka ka qaaday masuuliyad-darro iyo fadeexado dhabar-jab ku noqon kara sumcadda iyo tayada Caafimaad ee Xoolaha dalkeena ka hor inta aan loo dhoofin waddamada Gacanka Carbeed.

Bishii hore oo kaliya waxa dalka dib loogu soo celiyey laba markab oo dekedda Berbera ka qaaday kumanaan Neef oo Geel ah, kuwaas oo markii ay ku xidheen dekedda Jiddah ee dalka Sucuudiga laga helay Xannuunka Burusteelaha in ka badan inta ay oggoshahay dawladda Sucuudigu inay ku qaadato Xoolaha dalkooda loo iib-geeyo.

Haddaba, waxaanu xog-waraysi arrintan ku saabsan faahfaahin kaga bixiyey, Isu-duwaha gobolka Saaxil ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo faahfaahiyey qaabka ay dhakhaatiirta Maxjarku u baadhaan caafimaadka Xoolaha, isaga oo sheeegay inaan la baadhin dhammaan xoolaha Maxjarka ku jira, balse baadhitaanka lagu sameeyo tiro ka mid ah Xoolaha.

DHEGAYSO HADALKA DR CALI

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/04/CODKA-ISU-DUWAHA-XANNAANAA-XOOLAHA.mp3"][/audio]

No comments:

Post a Comment