Wednesday, April 2, 2014

Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada oo u yeedhay Wasiir Xaglo-toosiye iyo Gud. Mihnadlayaasha Caafimaadka




Hargeysa, 02 April, 2014 (Himilo)- Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa u yeedhay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Guddoomiyaha Guddiga Xirfadleyaasha Caafimaadka ee heer Qaran Luul Jirde Xuseen, si ay su’aalo uga weydiiyaan qaabka ay ula dhaqmeen Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways oo shaqo caafimaad u yimi Hargeysa, balse laga joojiyey.


Waraaq qoraal ah oo ay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu u qoreen labadaas Masuul, ayay ugu yeedheen inay Guddigooda horyimaaddaan, si ay faahfaahin cad uga bixiyaan tacaddiga la sheegay inay kula kaceen Dr. Cali Macaw Aways oo Khamiistii ay shaqada ka joojiyeen, ka dib markii uu ka yimi dalka Ingiriiska iyo Muwaaddiniinta doonayay inay la kulmaan oo ay Guddigu sheegeen in xuquuqdooda meel lagaga dhacay.


Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxay shalay ahaan qoraal u yeedhis ah u kala direen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Luul Jirde Xuseen.


Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuhaa oo Khadka Taleefanka ugu xaqiijiyay Shabakadda Wararka ee Gudgudenews inay shalay Waraaqo u yeedhis ah u qoreen Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha ururka mihnadayaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa intaa ku daray inay wax ka weydiin doonaan labadan Masuul arrimo la xidhiidha shaqada ay Qaranka u hayaan iyo sida ay u fuliyaan.


Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in Guddigu wax ka weydiin doonto Masuuliyiinta ay u yeedheen  waxa lagaga dhaqmo Xeerkii Caafimaadka ee la ansixiyay iyo qaabka ay ugu shaqeeyaan bulshada Somaliland ee u  baahan caafimaadka, isla markaana ay adeegga Caafimaad ugu shaqeeyaan.


Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilladu waxay wax ka weydiin doonaan Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka xayirraadda la saaray Dr. Macaw oo socdaal ku yimi Somaliland, isla markaana Bukaan badani ay isu diiwaan-geliyeen, balse khamiistii isagoo bilaabay hawlgalka caafimaad ee uu Hargeysa u yimi ay Wasaarradda Caafimaadku shaqada ka joojisay.


Sidoo kale, waxaa la filayaa in Wasiirka Caafimaadka su’aalo laga weydiiyo Dugsiyada tirada badan ee Caafimaadka lagu barto ee dalka ka furan waxay tayo ahaan iyo tiro ahaan kala socoto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka oo ay iyaga laftooda arrintaasi khusayso.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment