Thursday, May 29, 2014

Dalka Holland oo soo Mastaafurinaya Soomaalida ku xidhan Xabsiyada dalkooda




Amsterdam, 29 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Cadaaladda & Amniga dalka Holland, Fred Teevan, ayaa sheegay inay soo mustaafurin doonaan Soomaalida ku jirta xabsiyada dalkooda, isaga oo beeniyey warar sheegay in budhcad-badeed ku xidhan dalkooda ay magan-gelyo siiyaan.


Sida lagu baahiyey wargeyska Dutch News todobaadkii hore, maxaabiis Soomaali ah oo falal budh-cad badeenimo ugu jira xabsiyada dalkaas, ayaa marka ay muddada xadhiggooda dhammeystaan, waxa ay magan-gelyo weydiistaan dalkaas.


Haseyeehsee, wasiirka Cadaaladda Holland oo shalay baarlmaanka dalkaasi hortagay, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin qorshe wax-ka-beddel loogu samaynayo sharciga arrintaas ku saabsan,


Somaalida ugu xidhan dembiyada budhcad badeedka dalka Holland oo la sheegay inay tiradoodu gaadhayso 25 qof oo xukunno kala duwan lagu riday, ayaa laga mastaafurin doonaa dalkaas, sida uu sheegay Wasiirka Cadaaladda Holland ka dib heshiis ay kula gaadheen xukuumadda Soomaaliya.


Bishii la soo dhaafay ayey soo baxeen warar sheegaya in saddex Soomaali ah oo budhcad badeednimo loogu xidhay dalkaa sannadkii 2011, dalab magangelyo weydiisteen Dawladda Holland markii ay dhammeysteen xukunkooda, isl amarkaana laga qaabilay.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment