
Desalegn oo wareysi gaar ah siinayay wareysi kasoo baxa dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay howlo wanaagsan ka qabteen Soomaliya tan iyo markii ay ku biireen xoogagga AMISOM.
“Ciidamadayadu inay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waa codsi nooga yimid dowladda Soomaaliya, si aan uga taageerno dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab,” ayuu yidhi Desalegn.
Sidoo kale, raysal wasaaraha Itoobiya ayaa la weydiiyay xilliga ay Somaliya kala baxayaan ciidamadooda, isagoo ku jawaabay inaanay kala baxayaan inta Al-shabaab laga baabiinayo, gobolkuna uu ka noqonayo nabad.
“Innagu waxaan sugaynaa inta Al-shabaab la wiiqayo heshiiska aan kaga mid noqonay AMISOM wuxuu ku saabsan yahay in Al-shabaab la tir-tiro, markaas ayaana laga yaabaa inaan soo af-jarno howlgalkeenna Soomaaliya,” ayuu ku yidhi wareysiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Hailemariam Desalegn ayaa intaas ku daray in go’aankooda iyo siyaasaddoodu ay tahay inaanay ciidamadooda kala bixin Soomaaliya si kasta oo ay tahay inta Al-shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro geysato.
Ciidamada dalka Itoobiya ayaa waxay sannadkan horraantiisa ku dhawaaqeen inay ka mid noqdeen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaddib laba sano oo ay uga howl-galayeen Soomaaliya iyagoo madax-bannaan.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ciidamada Itoobiya uu howlgalkoodu ka duwan yahay kuwa kale ee AMISOM, ayna dalka joogayaan muddo kooban.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment