Wednesday, May 28, 2014

Sarkaal dhinaca Ammaanka u Qaabilsanaa Shirkadda Diyaaradaha Turkiga oo Muqdisho lagu Dilay

 


Muqdisho, 28 May, 2014 (Himilo)- Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay in Sarkaal sare oo dhinaca ammaanka u qaabilsan Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines lagaga dilay magaalada Muqdisho, ka dib markii kooxo huubaysani weerareen isaga oo gaadhi uu leeyahay ku safrayey badhtamaha magaaladaas.


tukriSafiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho Ambassador Kani Torun, xaqiijiyey in koox hubaysan oo aan weli la aqoonsan weerar ku qaadeen baabuurka uu watay sarkaalkan, kaas oo marayey Jidka KM-4 ee magaalada Muqdisho, halkaasna lagu dilay madaxii dhinaca ammaanka shirkadda Turkish Airlines u qaabilsanaa Soomaaliya.


Kooxaha Weerar geystay ayaa la sheegay inay Madaxa ka toogteen sarkaalkan, isla markiibana ay goobta ka baxsadeen.


“Mid ka mid ah shaqaalaha ammaanka Turkish Airlines ayaa lagu toogtay Muqdisho, kadib markii ay weerareen rag hubeysan isagoo gaadhigiisa wata, waxaana lagu magacaabi jiray, Saadettin Dongan,” Sidaa waxa Ali Gen oo ah afhayeenka Turkish Airlines.


Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka ee Muqdisho ayaa sheegay inaanay ilaa immika aqoonsan kooxaha weerarka fuliyey. “Sarkaalka waxaa lagu toogtay isgoyska KM-4 ee Muqdisho. Ma garanayno weli cidda ay ahaayeen kuwii dilka geystay,” sidaa waxa AFP u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.


Dalka Turkiga waxaa magaalada Muqdisho ka jooga hay’ado fara badan, kuwaasoo qaarkood ka shaqeeya dhinaca samafalka, halka kuwo kalena ay ka shaqeeyaan dhinaca dib u dhiska, waxase aan meesha ka madhnayn inay kooxda Al-Shabaab hore ugu hanjabtay inay beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee Muqdisho ku sugan.


Diyaaradda Turkish Airlines oo uu sarkaalkan u shaqeynayay ayaa ah tan keliya ee toddobaadkiiba dhowr jeer duulimaadyo caalami ah ku samaysa Muqdisho, iyada oo uu noqonayo sarkaalkani kii ugu horreeyay oo si badheedh ah loogu toogto Muqdisho.


Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu dhuftay afar xabbadood , Qof Soomaali ah oo gaadhi saarnaana si dhaawacyo xun la gaadhsiiyey. “Waxaa socda baadhitaanno ku saabsan sidii lagu soo qaban lahaa kooxihii dilkaas ka dambeeyay, welise ma cadda cidda ay ahaayeen iyo sababta ay dilka u geysteen,” ayay saraakiishan ku sheegeen hadalkooda.


Saadettin Dongan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha shirkad gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa xaqiijinta ammaanka xafiiska shirkadda Turkish Airlines ay ku leedahay Muqdisho.


Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan Turkiga ah, iyadoo tan iyo markii ay Turkigu howlahooda samafal ka billaabeen Muqdisho lagaga dilay dhowr qof oo Turki ah, kuwo kalena si laga dhaawacay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment