Tuesday, May 27, 2014

“dalkanu Digtaytar ma rabo mana ogolaanayno waligeen cid ka xoogweyn siyaad barre-na.......,” Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa:May,2014(Himilo)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tiran Golaha Wakiillada Somaliland, mana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inaanay jirin wax diidaya In Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi isu sharraxo musharaxnimada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga kulmiye. siciid cilmiXildhibaan Siciid Cilmi oo Maanta Saxaafadda kula Hadlay Xarunta Xisbiga Kulmiye, ayaa xusay in Tartanka loo Wada siman yanay, isla-markaana aanay jiri Karin cid musharaxnimada kooto ku xidhan kartaa.   Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi sheegay inay hore u jireen Heshiisyo suurtagal ka dhigaya in Muuse uu musharax noqon karo, isla-markaana ay jiraan dad xisbiga ka mid ah oo ka soo horjeeda Musharaxnimada Muuse Biixi. “Sharcigayaga waxa ku qoran qof kasta oo Golaha dhexe ka mid ah inuu u istaago Musharaxa madaxweynaha, ta layaabka lehin dadka Taas hore xaasidayey waa markii Guddoomiyenimadii uu ilaahay Aqbalay musharaxnimadii uu Muuse yidhi musharax baan ahayna inay dee Fajaciso ku noqotay, Marka horena is faham baa jirey xilligeeda aanu sheegi doono oo waajib ka dhigaysay inuu isu taago musharaxnimada.” Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble. Waxa kale oo uu Siciid Cilmi Rooble sheegay in Muuse biixi uu leeyahay Awoodihii uu hore u lahaan jirey Madaxweyne Siilaanyo Xilliguu uu Guddoomiyaha Xisbiga ahaa, waxana uu Su’aal geliyey isbeddelka ku Yimi iyo sababta loooga soo horjeedo Awoodaha uu Guddoomiyuhu xaqa u leeyahay, waxana uu yidhi, “shalay waxa Guddoomiyaha xisbiga ahaa Siilaanyo, Si buuna noola dhaqmi, Maxaase Awoodaha shalay siiyey Siilaanyo Maantana ka qaaday Muuse ilayn Dimuqraaddiyad baynu ahayne ilaa 2003-2010-kii waxa  Guddoomiye noo ahaa oo aanu u dabajoognay Xisbiga oo Golaha Fulina Magacaabayey oo Golaha dhexe  isku duba ridayey oo  siyaasadda Guud ee Xisbiga hagaayey siilaanyo’e maxaa muuse ka xaraantimeeyey maanta inuu waddadii siilaanyo nagu hoggaaminayey inuu maanta ku dhaqmo ilayn xisbigu waa Xisbigii, Xeerkuna waa Xeerkii, Magaaladuna waa Hargeysa, Waxa Soo Kordhay waa Maxay Ma Haybtaa, Waxanse leeyahay War Jiraaba Cakaaruu iman.” Waxa uu sheegay inuu si weyn ula  yaaban yahay in rag uu ka mid yahay Wasiir Cadami oo uu tilmaanay inuu taagan yahay wakhti aanu tubta toosan ka baydhin, waxana uu yidhi,   “Aad baan uga Xumahay Cadami oo Oday Weyn ah oo aan Maanta Baahiyi Hayn oo waayo arag ah 80-jir ah Khaatumo xumada lama aan jeclayn Abtigay.”   Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa sheegay in la taagan  xilligii la diidi lahaa Dulmiga iyo Kali-talisnimada, isagoo  soo hadal qaaday Cabudhinta ay xukuumaddu ku Hayso Xorriyatul qawlka, waxana uu yidhi, “Waa Shuqulaadkii aynu ka dagaallanay dalkana Shan boqol oo  kun oo Qof baa inagaga dhintay, Saddex shay baynnu doonaynay, Xorriyatul qowl, waana kuwaa Maanta Xidhan saxaafaddii waxyaalihii aynu ka dagaallanay bay ahayd Cabudhintu, dalkanu Digtaytar ka ma rabo mana ogolaanayno waligeen cid ka xoogweyn siyaad barren may jirin,” Xildhibaanka ayaa is weydiiyey sababta keentay in iyadoo Madaxweyne Rayaale si wada jir ah loogu qaylinayey oo looga soo horjeeday, in Haddana maanta ay cidiba ka Hadli waydo Dhibaatada ay xukuumaddu waddo, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid u baahan in jawaabteeda la helo,     “Shalayto Riyaale reernimo kumaynaan diidayn, madaxweyne Somaliland buu ahaa waxaynu badnaynayna waa la Ogaa Haddii mudaharaad tahay Kun qaybood baa dagaalamayeye Maxaa Loo Hadli la’yahay Maanta, maxaa ina Haysta, ma cunsirayad baa dee, Ma Kanaa Isaaq ah baa oo Hadli mayno baa, Intii qaybood ee Shalay sida siman u Hadlaysay ee wixii qaldan sheegaysay Meeye?” ayuu yidhi Siciid cilmi Rooble.   Xildhibaanka oo wariye ka Tirsan Himilo uu weydiiyey Su’aal la xidhiidha wax aka jira Heshiisyo hoose oo uu Garabka Madaxtooyadu ku  sheegeen in Guddoomiye Muuse Lagaga Saxeexay inaanu Madaxweynaha isla soo sharraxin ayaa sidan ku  jawaabay,   “Wax allaale iyo wixii heshiisyo ah  ee  dibada lagu gaadho ama Gole           Dhexe Gaadho, xeerkayagaa sheegaya oo waxa la keenayaa shirweynaha, wax  heshiisyo ah oo shirweynaha la keenayna ma jiraan.”

Himilo Media

No comments:

Post a Comment