Sunday, June 1, 2014

Golaha Ammaanka oo loo Gudbiyey Warbixin lagu dhaliilay Qorshe Somaliland ku abuurayso Ciidamo u gaar ah Ilaalinta Hawlaha Sahaminta Shidaalka dalka




Maxay Xukuumadda Somaliland ka tidhi Dhaliilaha loogu jeediyey Warbixintaas?


 


New York, 31 May, 2014 (Himilo)- Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa loo gudbiyey warbixin lagaga hadlay saamayn ka dhalan karta abuuritaanka Ciidamo gaar ah oo loogu talo-galay ilaalinta Goobaha ay sahaminta shidaalka ka bilaabayaan deegaamada Bariga Somaliland.


Guddiga Kormeerka Hubka ee Soomaaliya iyo Eretariya, ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay inay xukuumadda Somaliland kala kulmeen mad-madow la xidhiidha ka-warbixinta lacago ay ka heshay shirkado shidaal-baadhista ah oo lagu qorsheynayo hirgelinta ciidamo gaar ah oo loogu talo-galay ilaalinta goobaha ay shirkadahaasi baadhista ka samaynayaan deegaamada Somaliland.


Madaxa Guddiga ilaalinta hubka Soomaaliya iyo Eritrea, Jarat Chopra, ayaa sheegay in Somaliland looga fadhiyo ku-dhaqanka shuruucda Qaramadda Midoobay u dhigeen soo-iibsiga qalabka milateri iyo tababarka ciidankan.


“Waa in Guddigan lala soo socodsiiyaa hadii la doonayo soo-dejinta qalab milateri, taasoo ay diidi karaan,” ayuu yidhi Chopra.


"Waajibka ciidanka ilaalinta sahaminta shidaalku waa kahortaga halista iyo weerar muuqda, iskana caabiyaan weerar kasta, sida ugu haboon. Marka ay dareemaan halis, waxay ku wareejinayaan wax ka qabashada ciidamada ammaanka Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Chopra oo u warramayey wakaaladda Wararka Reuters.


Haseyeeshee, jariiradda Wall street Journal ee dalka Maraykanka oo soo xiganaysa hadal Wasiirka Wasaaradda Macdanta Somaliland kaga jawaabay eedayntaas, ayaa lagu xusay in wasiirku hadal aan macno lahayn ku tilmaamay dhaliisha sheegaysa mad-madowga ku jira abuuritaanka Ciidamadaas.


“Taasi waa macno-darro in la yidhaahdo waxa jira mad-madow,” sidaa waxa yidhi wasiirka Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale. Sida ay baahisay jariiradda WSJ, wasiirku waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu shaacisay xaddi-lacageed xaqal-qalin ah oo sannadkii hore ay ka qaaddeen labada shirkadood ee DNO oo laga leeyahay dalka Norway iyo Shirkad laga leeyahay dalka Yemen, kuwaas oo ay ku jiraan $750,000 oo shirkadda DNO bixisay iyo $1.8 Milyan oo laga qaaday shirkadda laga leeyahay Yemen. 


Ciidamadan loogu talo-galay ilaalinta goobaha Shidaalka laga qodayo, ayaa maamulkeedu hoos-tagi doonaa Wasaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, sida uu sheegay wasiirka Macdanta oo jariiradda u warramay.


“Dawladda Somaliland waxa ay laba shirkadood oo gaar u leeyahay u kiraysatay inay war-bixinno ka diyaariyaan sida ugu habboon ee dalku ku samaysan karo Ciidamo ilaaliyaha goobaha Shidaal-qodista, kuwaas oo qaybo ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso shirkadda Genel,” ayaa lagu sheegay waraaqda loo gudbiyey Qaramada Midoobay.


Warbixinta ay guddiga Kormeerka Hubka Soomaaliya iyo Eretariya u gudbiyeen Golaha Ammaanka, ayaa lagu sheegay inay Ciidamadaasi ka koobnaan doonaan 580 Askari oo isugu jira Ciidamada Booliska iyo Milatariga.


Balse, wasaarada Arrimaha Gudaha oo la sheegay inay u xilsaaran tahay qorshaha abuuritaanka ciidankaa ayaan ilaa hadda tafaasiil ka bixin ku saabsan, qorshahooda, sida looga soo dhex xulayo ciidanka booliiska iyo milateriga, cidda yeelan doonta maamulkooda iyo arrimo kale.


Dhinaca kale, shirkada shidaalka ee Sterling Energy oo qeyb ka ah Saamiyada ay shirkadaha sahaminta shidaal ka bilaabayaan dalka, ayaa sheegtay in abuuritaanka ciidankaasi fududeyn doonto sidii ay hawlahooda sahamin dib ugu bilaabi lahaayeen dhowaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan shirkaddaas oo lagu magacaabo Alastair Beardsall.


“Waxaan ku faraxsan nahay horumarka laga sameeyey abuuritaanka ciidanka ilaalinta sahaminta shidaalka, waxaan dhowrayna abilowga hawlahii sahaminta aanu ka wadnay bolooga Oodweyne, sida ugu dhakhso badan,” ayuu yidhi.


Sidoo kale, shirkada Sterling Energy ayaa shaacisay in laba sannadood loogu kordhiyey dhamaystirka hawlahoodii sahamin ee bolooga Oodweyne, hawlahoodana ku jaangoyn doonaan.


“Waan uga mahadcelinaynaa xukuumada Somaliland ogolaanshaha inay laba sannadood noo kordhiyaan si aan wakhti iyo jewi xasilloon ugu helno diyaar-garowgayaga sahanka shidaalka ee musaqabalka.”


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment