
“anaga khamiistii bay noo yeedheen Golaha Guurtida oo uu hoggaaminayo Guddoomiuhu, arrintaana waxanu isla garanay inaanu ogolaano Codsiga ay noo soo jeediyeen oo ah inay iyagu khilafkaa dhex gelayaan, shalaytana dhinaca kale ayaa oggolaaday, Guddoomiyaha Guurtidu wuu ka hadlay madaxweynuhuna waaa uu ka hadlay arrintaasina waxa ay iskugu biyo shubatay inu Golaha Guurtidu dhex galo,” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.
Waxa uu farta ku fiiqay in Hawsha Caynkan oo kale laba dhinac oo is Haya laga dhex wadaa u Baahan tahay in si wada jir ah loo wwada dhawro oo loo turxaan saaro, waxana uu yidhi,
“Hawshu markay meel istaagtana waxa y u baahan tahay in laga ilaaaliyo dhaawaca, khilaafaadka oo dhinac walba ixtiraamo hawshaasi inn meeshii loogu talo galay ay ka hirgasho, waxayna naga codsadeen in aan wax abaabul ah iyo hawl ah oo la galaa aanay jirin, dhibaato kalena ma jirtee waa xisbigayagii uun oo aragtiyo kala duwan uun kala qabee, waxana jecelahay inay aragtiyaha ugu horreeya noogu dhamaato.”
Mujaahidku waxa kale oo uu tilmaamay inaan wax dhibaato ah oo weyni dhex oollin saaxiibadda kala fikirka noqday, waxana uu saxaafadda ka codsaday inay ka shaqayso sidii labada dhinac la iskugu soo jiidi lahaa.
Golaha guurtida ayaa si buuxda ugu guulaystay inay labada dhinac ka joojiyaan shirar is barbar socday oo la doonayey lagu dhiso guddiyo iska soo horjeeda, waxana Haatan labada dhinacba muujiyeen sida ay uga jawaabeen Soo jeedimihii Guurtida inkastoo dhinaca Madaxtooyadu Maanta Qado sharaf u samaysay Tirada Xubnihii Golaha dhexe ee la isku Haystay oo bud-dhig u ahayd Khilaafka aloosan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment