Monday, June 2, 2014

“maanta arrinteenu way urursan tahay laakiin dagaal iyo idaacaddii qaranka oo Guddoomiyaha cayda iyo idaacaddii qaranka iyo TV-gii Oo Xisbul-xaakimkii Taladiisa……” Muuse Biixi

Hargeysa:June,02,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga  Muxaafidka ah ee  Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta k aka hadlay Kulan garabkiisu ay la qaateen Guddida Dhexdhexaadinta ka dhex wadda Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye.

kii maantaMuuse Biixi Cabdi oo la Hadlayey Saxaafadda, ayaa sheegay in isaga iyo Garabkiisuba si weyn diyaar ugu yihiin in arrinta  ka dhex taagan xisbiga si xil-kasnimo leh loo soo afjaro oo loo gunaanado.

“aniga iyo ragga ila socdaa waxan arrintaas ka taaganahay in meel nabadgelyo wada hadal iyo is afgarad in lagu dhameeyo, ma sidno ficiltan, erayo dhiif leh iyo waxaasaa nala yeelaye waxanu sidnaa Xuluul, saaxibadayada Madaxweynuhu ka midka yahayna aniga Guddoomiye  ahaan iima muuqato intii aanu is khilaafnay iyo aanu is nidhi ee xumayde waxa noo muuqata oo ka badan oo aan qirsanahay intii aanu guul wada gaadhnay iyo intii aanu is afgaranay.” Ayuu  yidhi muuse Biixi Cabid.

Waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi sidoo kale faahfaahiyey waxyaabo intaas ka baxsan oo saluugsan yihiin garabkoodu, isla-markaana ay Guurtida dhexdhexaadinta wadda u sheegeen, waxana uu yidhi,

“Guurtida waxanu u sheegnay sidii ay noogu muuqatay waxa dhibaatada keenay oo ay ugu horrayso shirweynihii xisbiga  wixii uu go’aamo gaadhay oo lagu daray Go’aamo aan jirin, dhibtaana waxa ku xigay markii aan idhi waxan ahay musharrax dagaal cir iyo dhul ah baa la qaaday, dhibaatooyin baana taas ka dhashay oo dad baa la xidhxidhay.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa dhaliilay xadhig lagula kacay Dad ku abtirsada Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo uu qaarkood ku tilmaamay in siyaasad loo xidhay, isagoo xusay in gefkaas dhacay la saxo,

“Dadka dhibaatadaa loo gesytay ee la xidhxidhay waxanu leenahay waa khalad waana in gefkaa la saxaa, Matalan wasiirku xigeenkii hore ee amniga cabdilaahi abokor xadhiga la xidhay waa mid siyaasi  waxana aynu ognahay xadhiga siyaasiga ahi colaad iyo dhibaato iyo  nac mooyaane xal ma keeno waxana aan leeyahay waa qalade hallaga noqdo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi waxan uu isagoo Hadalkiisa sii wata intaas ku daray, “waxa la xidhxidhay dad taageerayaasha xisbiga ah oo loo xidhay sawirkaygay siteen, waxanu weydiinaynaa madaxweynaha marka uu noqday dembi sawirkaygu kaaguna noqday waa xalaal, waxanu diiddanahay waxa nalagu eedeeyey oo wasiirka daakhiliga iyo madaxweynuhu isla raaceen in la yidhi waxa   wax qarxiya rag madaxnimo doonaya, warancadde intan dambe ee uu wasiirka noqday Hadallada deelqaafka ahi waa iska caadi.”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu naqdiyey in hadallo isaga ka dhan ah laga siidaayo Idaacadda iyo TV-ga qaranka, waxana uu sheegay inaanay taasi waligeed Xal waara keeni doonin, waxana uu yidhi,

“waa nasiib wanaag maanta arrinteenu way urursan tahay Madaxweynuhu wuu sharraxan yahay oo waan soo dhaweynayaa aniguna waan sharaxanahay, xisbiguna hab lagu kala baxaa buu leeyahay laakiin dagaal iyo idaacaddii qaranka oo Guddoomiyaha cayda iyo idaacaddii qaranka iyo TV-gii  oo xisbixaakimka taladiisa laga sii dayn waayaa xal noqon mayso.”

 

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay Taageerayaasha Xisbiga  kulmiye inaanay ku kala tegin qabyaalada iyo wax kale toonna, isla-markaana maba’ii  ay hore iskugu raaceen uu wali  halkiisii yahay.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment