Wasiirka Tamarta oo sheegay in Madaarka Hargeysa iyo
Xaafadaha ka ag-dhow heli doonaan Koronto qiimo jaban
Hargeysa, 03 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xadhigga ka jaray mashruuc Tamarta Dabaysha lagaga dhalinayo Koronto ay ka faa’idanayaan Madaarka Hargeysa iyo xaafadaha ku yaala agagaarkiisa.
Mashruucan oo socday in muddo ah, iskana kaashadeen wasaaradaha Tamarta iyo Duulista, isla markaana maal-gelisay hay’adda gar-gaarka dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID, ayaa qorshahiisu yahay sidii bulshadu ugu baraarugi lahayd isticmaalka tamarta kala duwan, si loo gaadho horumar balaadhan oo lagu talaabsado marka la helo tamar jaban.
Madaxweynaha oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku ammaannay Wasaaradda Tamarta, hay’adda USAID iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd hirgelinta Mashruucan, isaga oo dhiirri-geliyey hirgelinta mashaariic lagaga faa’idaysto tamarta Dabaysha oo madaxweynuhu sheegay inuu dalku u baahan yahay.
“Isticmaalka Tamarta Dabayshu muhiim bay u tahay korontada dalkeena, waana waxyaabaha Illaahay ku mannaystay dalkeenna ee ay aad ugu badan tahay, haddii ay maanta sidaas oo kale farsamo iyo cilmi u helno aynu u isticmaalno oo dadkeenna, dalkeenna iyo deegaankeennaba uga faa’ideenno, waa wax Illaahay loogu mahad-naqaa. Dawladda Maraykanka iyo Hay’adda USAID waxaan leeyahay inta iyo in ka badan ba waad nala qaban doontaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliand.
Dhinaca kale, Wasiirka Macdanta & Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ku hawlan tahay qorshe looga faa’idaysanayo tamarta dabiiciga ee dalka sidii loo heli lahaa Koronto qiimo jaban, loona ilaaliyo deegaanka, isaga oo taas ku micneeyey inay ka tarjumayso horumarka wadan gaadho, waxaanu yidhi, “Mashruucani saamayn weyn ayuu ku leeyahay horumarinta tamarta Somaliland, waana kii u horeeyey, maadama tamar jaban oo la awoodi karo tahay muftaaxa horumarka dal walba leeyahay. Qiimaha korontada dalkeenu waxuu ka bilaabmaa ilaa 1 dollar iyo dheeraad, waxaana loo saadaaliyaa inay tahay meesha ugu qaalisan aduunka laydh la iibsado. Markaa waxa muuqanaya hadii aynaan koronto jaban helin helin, inuu yaraanayo horumar dalkeenu gaadho.”
Eng Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu inay dhamaytireen Curinta sharciga Tamarta dalka oo dhiirri-gelinaya maalgeshi dibadeed oo dalku helo. “Waxaan halkan ka sheegayaa in wasaarada tamartu dhamaytirtay curinta sharcigii Tamarta dalka, dhowaana loo gudbin doono baarlamaanka. Sharcigaasi waxuu horseedayaa in maalgashi la helo, maadama shuruuc jirto hagaysa,” ayuu yidhi Wasiirku.
“Maanta waxaan ku faraxsan nahay in madaarka Cigaal maanta (shalay) ku helayo koronto jaban, oo hawadeena aan waxyeelayn. Markii hore waxay Korontodu ku joogtay oo laga qaadi jiray, hal dollar iyo shan iyo labaatan senti ($1.25), maanta waxay ku helayaan lix centi (0.6cent) wixii koronto dheeraad ka ah Madaarka oo laga iibin doono xaafadaha ku-dhow-dhow madaarka, waxaana maamulaysa shirkadda KAAH oo ku guulaysatay qandaraaskii,” sidaa waxa yidhi wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
Mashruuca Tamarta lagaga dhalinyaro Dabaysha oo ah sameeyey Duleedka Madaarka Hargeysa, ayaa ah Shan marxawadood oo waaweyn oo loogu talo-galay inay dhaliyaan 100 KWT oo Koronto ah, kaas oo ay ka faa’idaysanyaan Madaarka Hargeysa iyo Xaafadaha ku yaala nawaaxiga Madaarka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment