Tuesday, June 3, 2014

Dalka Taiwan oo Wax-ka-beddel ku samaynaya Iskaashiga ka dhexeeya Somaliland




Hargeysa, 03 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa sheegay inay dawladda Taiwan mashaariic dhinaca caafimaad ka fulin doonto dalka, ka dib kulamo uu dalkaas kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Dawladda oo Somaliland u ballanqaaday wax-qabadyo adeegyada Caafimaadka ha.


WASIIRKAWasiirku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay war-fidiyeennada ugu warramayey garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, ka dib markii isaga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska oo ka soo laabteen marti-qaad ay ku tageen dalka Taiwan oo uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis.


“Waxaanu ka soo noqonay safar aanu ku tagnay dalka Taiwan oo ujeedadiisu dhinacyo kala duwan khusaysay, uguna weynayd iskaashiga dhinaca horumarka labada dhinac, wadanka Taiwan oo hore inooga taageeray dhinaca caafimaadka,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada safarka ay kaga soo laabteen dalka Taiwan.


Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan oo ka hadlayey waxyaalaha uu ku saabsanaa wadahadalkii ay yeesheen masuuliyiinta dalka Taiwan, waxa uu yidhi, “Waxaanu kala hadalay masuuliyiinta dalka Taiwan arrimo dhinacyo kala duwan ah, waxaanay noo ogolaadeen waxyaalo badan inay waddankeena u qabtaan, dhinaca caafimaadka, waxbarashada, kalluumaysiga iyo ganacsiga waanu ka soo wada hadalnay. Xidhiidh intan ka sii balaadhan inaanu yeelano ayaan ku soo heshiinay.”


Dhinaca kale, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Cali Axmed Cawaale oo ka soo shaqeeyey booqashada masuuliyiinta Somaliland ku tageen dalka Taiwan, ayaa sheegay in dalkaasi ballanqaaday inay horumarinta adeegyada bulshada kala shaqeyn doonaan Somaliland, isla markaana xidhiidhkii hore uga dhexeyn jiray dalkaa sii balaadhin doono.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 


No comments:

Post a Comment