Monday, June 2, 2014

Maraykanka Oo Ka Digay Weerarro Argagixiso Oo Ethiopia Laga Maleegayo, Muwaadiniintiisana Diginiin u Diray

Washington:June,02,2014(Himilo)-Xukuumadda Dalka Maraykanka ayaa ka digtay Weerarro Argagixiso oo la doonayo in Ethiopia laga Fuliyo, waxana ay Muwaadiniinteeda Halkaas ku nool Amartay inay Feejignaan Dheeraad ah Muujiyaan.

BII'AXafiiska Safaaradda u ah Maraykanka ee Addis Ababa ku Yaalla ayaa Soo Gudbiyey Inuu helay Xogo  iftiiminaya in shabaabku weerraro ka fulin doono Magaalada Addis ababa.

War uu qorey wargeyska  Sudan tribune  waxaa uu ku sheegay in Mareykanka iminka uu muwaadiniintiisa ku war-galiyay iney ka taxadaraan ammaankooda ,ayna ka foojig-naadaan goobaha weerarradu ay kadhici karaan.

“Waxaan idin xaqiijinaynaa safaaraddu waxay heshay warbixino ku saabsan weerarro argagixiso oo kadhici kara dalka Itoobiya oo ay qaadaan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta kuwaa oo halis ku ah danaha reer galbeedka ee qaradda Africa,..”” sidaa waxaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya.

Safaaradda Marekanka warbixinta ay soo saartey waxaa ay ku caddeeyeen inaanay wali helin goobaha ay Al-shabaab qorsheynayaan inay weerarraan,balse waxaa qoraalka lagu sheegay in muwaadininta Marekanku indha dheer u yeeshan baaqa ay usoo jeedinayan.

Dadka Marekanka ah waxaa looga digey inay tagaan goobaha ay dadka isugu  yimaadan iyo baararka ay dadka ku caweeyan,waana goobaha looga cabsi qabo inay weerarradu ka dhacaan.

Ugu danbeyntii,warbixinta  Mareykanku uu soo saaray oo aad udheereyd waxaa  lagu sheegay in muwaadin walba oo Mareykan ah uu iska diiwaangaliyo safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa isagoo maraya habka layidhaahdo (Step) kaaso  qofka Mareykanka ah siinayaa war-walba oo ammaankiisa quseeya.

Digniintan waxaa ay soo baxeysaa xilli dhawaan weerar ka dhacay dalka Jabuuti lala beegsadey maqaayad ay ku caweyn-jireen dadka ajaanibta ah oo reer galbeed u badan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment