Monday, June 2, 2014

Khasaare Kala Duwan Oo Ka Dhashay Kaalin Shidaal Oo Ku Gubatay Magaalada Laascaanood

Laascaanood:June,02,2014(Himilo)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu saaka Dab ka kacay Kaalin shidaal uu  keenay Khasaare kala duwan oo Naf iyo Maal isugu jira.

khasaareWararku waxay intaasi ku dareen in Dabkaasi Baabi’iyey Dhismayaal ku xeernaa Kaalintii shidaalka ee Gubatay, isla-markaana ay ku dhaawacmeen Tiro dad ah oo halkaas ku sugnaa.

Lama oga waxyaabaha sababay in dabka uu ka kaco kaalinta shidaal ee ku taala Laascaanood, laakiin Dr Axmed Cadani oo kamid ah dhakhaatiirta magaalada ayaa sheegay in saddex ruux ay aad u daran yihiin, kuwaasi oo kamid ah dadkii dabka waxyeelada kasoo gaadhay.

Cabdi Cali Xirsi  mulkiilaha kaalinta shidaalka ayaa saxaafada u sheegay in dabka loo maleynayo inuu ka dhashay foosto shidaal uu ku jiray oo qaraxday.

Goobtaan may tegin wax dab demis ahi, waxaana u gurmaday Dadkii Magaalada oo Xilli dambe Bakhtiiyey, iyadoo dadkii dhaawacu soo gaadhay oo saddex kamid ahi aad u liitaanna lagu daaweynayo Cisbitaalka Magaalada Laascaanood.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment