Hargeysa, 17 June, 2014 (Himilo)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa ka qayb-gashay munaasibad lagu xusay maalinta Carruurta Afrika oo ku beegnay maalintii shalay ee 16-ka June oo sannad kasta laga Xuso Qaaradda Afrika.
Munaasibadda lagu xusay maalinta Carruurta Afrika oo ay wada-jir u qaban-qaabiyeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, waxaana kala qayb-galay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Marwo Shukri Xariir iyo Marti sharaf kale.
Agaasimaha Xarunta Agoomaha Magaaladda Hargaysa Caasha Maxmuud Qaalib oo ugu horeyn halkaas ka hadashay, ayaa ka warbixisay xaaladda caruurta ku jirta xarunta agoomaha magaalada Hargeysa iyo ahmiyada xuska Maalintani u leedahay, waxaanay ku tilmaantay inay qiime weyn uga dhigan tahay Carruurta caalamka Guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Somaliland. Waxaana ay ka sheekaysay taariikhda Maalinta iyo waxa laga Faa’iidansan karo.
Marwo Caasha oo ka hadlaysa taariikhda maalinta carruurta Afrika, waxay tidhi, “Waxaynu ognahay In Sanadkii 1976, bishii June, ay ka dhacday Dalka Koonfur Afrika mudaharaad aad iyo aad u weyn oo ay Abaabuleen Dhalinyartu, iyaga oo doonayay inay Helaan baahiyahooda Aas-aasiga ah ee ay kaw ka tahay Waxabrashada iyo Caafimaadku.”
Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde oo ka hadashay xafladda, ayaa Dhanbaal Hambalyo ah u dirtay guud ahaanba dhalaanka reer Somliland gudo iyo Dibadba. Waxaanay Marwadu u mahad naqday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwo waddaniga ah ee taakuleeya carruurta agoomaha Somaliland, waxaanay tilmaantay sida loogu baahan yahay in dawlad iyo shacb-ba layska kaashado sidii wax loo tari lahaa maadaama oo cid kasta uu Waajib ka saaran yahay Xanaanaynta dhalaanka Reer Somaliland.
Waxa kale oo xafladani ka hadlay Wasiirrada Maaliyada, Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment