Tuesday, June 3, 2014

Maxkamad Waaran Soo-qabasho ah u jartay Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Xubno kale




Ankara 03 June, 2014 (Himilo)- Maxkamad ku taal dalka Turkiga, ayaa soo saartay Waran lagu soo qabanayo shan ka tirsan hoggaamiyeyaasha maleeshiyaadka Shabaab oo uu ku jiro Amiirka Guud ee Xarakadaas Axmed Godane.


Waaranka ay Maxakanadda Dalka Turkigu ku amartay xadhigga hoggaamiyeyaasha, ayaa jawaab u ah weerar kooxda Al-Shabaab masuuliyaddeeda sheegatay oo bishii July ee sannadkii hore lagu qaaday safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen shaqaale u dhashay dalkaas oo ku sugnaa safaaradda.


n_67278_1 (1)Xeer-ilaaliyaha magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga oo dacwadda la xidhiidha Al-Shabaab u gudbiyey Maxkamadda, ayaa la filayaa u gudbin doono Booliska Adduunka ee INTERPOL codsi xambaarsan sidii ay u soo saari lahaayeen waaran soo-qabasho ah.


Bishii July 28-keedii ee sannadkii hore, ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar is-miidaamin ku soo qaadeen safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana halkaas ku dhintay hal qof, kuna dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda.


Hoggaanka Al-Shabaab ee Maxkamaddu Amarka soo-qabashada ah jartay, ayaa magacyadoodu kala yihiin Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, ku-xigeenkiisa Sheekh Mukhtaar Roobow, Fu’aad Maxamed Khalaf, Xasan Daahir Aweys iyo Xasan Cabdillahi Xirsi-turki.


 Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment