Sunday, June 1, 2014

Muqdisho: Maxkamad Milateri oo dil ku xukuntay Rag lagu xidhiidhiyey Al-Shabab Waxa ay Qudha ka jareen Haweenay Da’ yar




Muqdisho 01 June, 2014 (Himilo)- Maxkamadda ciidamada Soomaaliya, ayaa shalay dil ku xukuntay laba nin oo ka tirsan Shabaab, ka dib markii lagu helay inay  bishii April ee sannadkan la sheegay inay dileen gabadh 22 jir ah.


Bo-gf3LCMAAg_kKLabadan nin oo ciidamaadda amaanku ka qabteen guri ay ka degenaayeen caasimadda Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyey inay dileen gabadh magaceeda la odhan jiray marxuumad Nafiiso Cismaan Salaan oo wakhtigaa ka qalinjebisay jaamacad ku taala magaalada Muqdisho.


Markhaatiyaal badan oo maxkamada la keenay, ayaa eedeysanayaasha midkood oo lagu magacaabo Shaafici Cabdicasiis Xasan sheegay inaanu gelin dembiga loo haysto, inkasta oo labada ninba lala xidhiidhiyey inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Shabaab.


Nimanka oo la sheegay in la weydiiyey sababta ay u dileen gabadha, ayaa ku ku dooday inay u shaqeynaysay shirkad ajaanib ah oo Muqdisho ka hawl-galaysay, balse may caddeynin nooca shaqada ay shirkaddaasi ka qabanaysay.


Garsoorahii maxmakada Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku xukumay gabadh magaceeda la yidhaahdo Deeqa Diiriye xbsi gaadhaya 10 sanno oo xadhig ah oo lagu helay inay ka qyab-qaadatay dilka haweenaydaas.


 Himilomedia.com                               


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment