Sunday, June 1, 2014

“Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye u soo jeedinaynaa, in kalsooni uu ku abuuro Madaxweynaha, dhegahana ka furaysato…”

 


Hargeysa, 01 June, 2014 (Himilo)- Qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo Waxgaradka degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, ayaa madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga u soo jeediyey inay tanaasulaad iyo dulqaad ku xalliyaan khilaafka kooxaha u qaybiyey ee ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye.


Baaq xambaarsan talooyin iyo tabasho ku aaddan xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa oo odayaashani ka saareen Hargeysa Hargeysa shalay, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo ah Aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Arabsiyo, waxa aan talo ka bixinaynaa xaaladaha cusub ee dalka ka aloosmay ee ah ismaan-dhaafka xisbiga Kulmiye ee u kala qeybsamay labada garab, iyada oo weliba liisaska ay soo saareen labada geesood ee Xisbiga Golihiisa Dhexe iyo ka Fulintaba aanu midkoodna ku darin xubnihii aanu ku lahayn, horena wixii aanu mas'uuliyiin ku lahayn Xukuumaddan looga sifeeyey, haddana dalku waa kaayagii oo burbur lama doonayno.


Sidaa darteed, waxaanu talo ahaan kusoo jeedinaynaa qodobadan hoos ku qeexan:


1. Waxaanu labada garab usoo jeedinaynaa in la joojiyo wixii Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo nabadgalyadu kow ka tahay, aqoonsi raadintana wax u dhimaya.


2. Waxaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiya gaar ahaan ugu soo jeedinaynaa, in kalsooni uu ku abuuro Madaxweynaha, dhegahana ka furaysto durbaannada kale ee dhexdooda laga tumayo, waayo Madaxweynuhu waa ninkii aad guusha muuqata wada dhaliseen, imikana waxaad curin kartaan jewi wanaagsan oo aad idinku hawsha dhexdiina taal  ku dhammeystaan, idinkoo ka eegaya dhinaca danta guud ee Ummadda.


3. Dawladda waxaanu usoo jeedinaynaa in dulqaadkii dawladnimo lahayd muujiyaan, una yeeshaan dulqaad waxyaabo badan oo qaarkood ku kacayaan kuwa dano gaar ahaaneed ka lihi.


4. Dadweynaha waxan isna usoo jeedinaynaa in wixii baylah ah ee xasaasi ah ay si dhakhso ah u gaadhsiiyaan cidda ay khusayso ama inaad idinku isxilqaantaan oo aad gacantiina wax kaga qabataan


Ugu dembeyn, waxaanu diyaar u nahay inaanu Degmo ahaan la shaqeyno dawladda, wixii talo nasteex ahna siino mar kasta oo xaalad adagi soo wajahdo dalka.


ALLAA MAHAD LEH


Qorayaasha


1. Ali Ibraahin Xadd


2. Yuusuf  Warsame Faarax.”


 


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment