Madaxweynaha ayaa sheegay inuu si dhaw ula socdo xaaladda dalkaasi,isla-markaana aanu marnaba ciidankiisa u diri doonin, waxase uu tilmaamay inuu qaadi doono Tallaabo lagu badbaadinayo dawladda iyo dadka shacabka ahba.Obama ayaa ugu baaqey xukuumadda Ciraaq in ay iyadu xaliso dhibaatada haysata, ee salka ku haysa mad-habaha kala geddisan, isagoo intaas ku daray inay tahay arrinta wax-ka-qabashadeedu mid ku haboon hoggaanka dalkaasi inay wax ka qabtaan.
Dhanka kale Obama ayaa sheegay in ay gacan ka siinayaan xukuumadda ciraaqa dagaalka ay kula jirto ururka ISIS ee ka go’dey al-Qaacida, BalseTaageerada Obama uu ballan qaaday ayaanu caddeyn nooca ay noqoneyso.
Ururka ISIS ayaa muddo yar gudaheed dhul weyn oo waqooyiga Ciraaq iyo badhtamaha ku yaala si fudud kula wareegey, waxaana baxsadey ciidamada Ciraaq ee xukuumadda Nuuri Maaliki.
Ciidamada Maraykanka ayaa dhawaan Halkaas iskaga Baxay, waxase Gebi ahaanba Bururburtay, waxana aan jirin ciidamo dhidibo adag ku taagan oo Dalku Leeyahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment